fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaWaxaan balan qaadayaa in aan ka shaqayn doono sidii Gabiley xuquuqdeedda”

Waxaan balan qaadayaa in aan ka shaqayn doono sidii Gabiley xuquuqdeedda”

    

Murashax Maxamed C/laahi Jaamac, waxa uu ka mid yahay murashaxiinta u tartamaya doorashadda golaha Wakiiladda Somaliland ee gobolka Maroodijeex.

Maxamed C/laahi Jaamac, waa ganacsade degan magaaladda Gabiley, isla markaana ku leh ganacsiyo kala duwan oo ku yaalla magaaladaasi.

Waxa uu hankiisa murashaxnimo ee golaha baarlamaanka Somaliland shaaciyay bishi 2-dii bishii June ee sanadkii 2019-kii.

Xiligii uu shaaciyay hankiisa murashaxnimo waxaa uu jeediyay hadal uu ku tilmaamayay sababta ku kaliftay in uu noqdo murashax u taagan doorashadda golaha Wakiiladda Maroodijeex.

Hadalkiisa ayuu ku cadeeyay inuu u taagan yahay sidii uu uga shaqayn lahaa horumarinta dhinacyadda kala duwan ee arrimaha bulshadda gobolka Gabiley, isla markaana uu doonayo inuu noqdo masuul meteladda bulshadda gobolkaasi.

Sidoo kale waxa uu bulshadda gobolka Gabiley u balan qaaday qorsheyaasha uu doonayo inuu ka shaqeeyo, sida xuquuqda gobolnimo ee  mudadda ka maqan maadaama ay Gabiley buuxisay shuruudihii gobolnimo.

Tan iyo markii uu shaaciyay murashaxnimadiisa golaha Wakiiladda waxa uu deegaamo fara badan oo ka tirsan gobolka Gabiley ka fuliyay barnaamijyo uu ku caawinayay bulshadda.

Waxaanu caawimooyin isugu jira raashin, daawooyin iyo caawimooyin kaleba ka fuliyay deegaamadda Woqooyiga ee gobolka Gabiley.

Isagoona kaalmooyinkaasi kaga jawaabayay baahiyo ka jiray deegaankaasi gaar ahaana xiliyo ay deegaamadaasi ka jireen abaarro.

Geesta kale murashax Maxamed C/laahi Bookh, waxa uu qayb weyn ka qaatay ololihii doorashadii madaxtooyadda Somaliland ee sanadkii 2017-kii, isagoo xiligaasi ka mid ahaa ganacsadii qaybta Libaax ka qaatay taageeradii xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale murashaxa Bookh, waxa uu si weyn uga qayb qaatay wacyigelintii diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee dhawaan dalka ka qabsoontay gaar ahaana  gobolka Gabiley.

Isagoona dadweynuhu ku wacyigelinayay in ay qaataan kaadhka codbixinta si ay iyagu u go’aamiyaan xubnaha ku metelaya masiirkoodda iyo siyaasiyiinta gobolkaasi ee goleyaasha deegaanka iyo Wakiiladda.

Hadaba waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa barnaamij laga diyaariyay  qorsheyaashiisa uu doonayo inuu bulshadiisa ku metelo, meelaha ay dhibaatadda gaarka ahi ka haysato Gabiley, metelaadiisa siyaasinimo ee gobolkaasi iyo arrimo kale.

Sidoo kale barnaamijkani waxaa qayb ka ah hawlihii caawinta bulshadda ee uu gobolka Gabiley ka fuliyay murashax Maxamed C/laahi Bookh, sida adeegyadda caafimaadka, caawinta bulshadda iyo arrimo kale.

 

DAAWO: BARNAAMIJKAASI:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir