fbpx
Thursday, October 5, 2023
HomeWararkaQarax Miino oo Lagu Weeraray Askar Ka Tirsan Ciidanka Kenya

Qarax Miino oo Lagu Weeraray Askar Ka Tirsan Ciidanka Kenya

    

 Ugu yaraan hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada amaanka Kenya ayaa lagu dilay seddex kalena waa lagu dhaawacay fiidnimadii Arbacada qarax miino oo waddada dhinaceeda lagu aasay oo ka dhacday degmada Mandheera.

Rono Bunei, oo ah taliyaha Booliska Gobolka Waqooyi bari ayaa sheegay in werarka uu dhacay kaddib markii gaadhiga ay la socdeen saraakiisha amaanka uu la kulmay miino waddada dhinaceeda la dhiggay.

Bunei ayaa sheegay in walxaha qarxa la dhigay waddada si ay ula beegsadaan ciidanka halkaa marayay.

“Waxaan sii wadaynaa in aan ku boorrinno wada shaqeyn ka timaadda dadka deegaanka si ay nooga caawiso inaan xakameyno waallidan.

Qofna ma sharixi karo sida bambaanooyinkan loogu dhigo waddooyinka iyadoo ayna ka warqabin dadka deegaanka,” ayuu Bunei ku yidhi taleefanka.

Wuxuu sheegay in dadkii ka dambeeyay dhacdadan aan la helin maadaama ay baxsadeen, isagoo intaa ku daray in ciidamada amaanka ee halkaas gaadhay wax yar kadib markii uu qaraxu dhacay ay sheegeen inaanay cidna qaban.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)