Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaLaascaanood: Badhasaabka Oo Shir La Yeeshay Isku Duweyaasha Wasaarradaha Gobolkaasi

Laascaanood: Badhasaabka Oo Shir La Yeeshay Isku Duweyaasha Wasaarradaha Gobolkaasi

    

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa shalay kulan la qaatay  dhammaan masuuliyiinta iyo hawl-wadeemada Amniga iyo wasaaradaha iyo haayadaha dawladda ee heer gobol.

Kulankaasi  oo  ka qabsoomay xarunta maamulka gobolka Sool ee Laascaanoow ayay  ujeedadiisu ahayd  sidii adeegyada dawladu ay guud ahaanba si habsami leh u wada gaadhi lahaayeen bulshadda gobolka Sool.

“Waxaa maanta kulan heerkiisu sarreeyo aan la yeeshay, dhammaan masuuliyiinta iyo hawl-wadeemada Amniga iyo  wasaaradaha iyo haayadaha dawladda ee heer Gobol. Kulankan oo aan shir guddoomiyay ayaa ka qabsoomay xarunta maamulka gobolka.

Waxaanu  ujeedkiisu ahaa adeegyada Dowladda, si habsami leh, guud ahaan  Gobolka sool  siday ugu gaadhi lahayeen” ayuu yidhi badhasaabka Soo loo arrintaasi ka hadlay.

Geesta kale guddoomiyaha Sool waxa uu sheegay in mudadii uu kulankaasi socday la isku waydaarsaday aragtiyo iyo talooyin la xidhiidha sidii bulshadda loogu adeegi lahaa.

Waxaanu yidhi, “Intii uu shirku socday, waxaa la isku dhaafsaday afkaar iyo talooyin muhiim u ah Amniga gobolka Sool iyo horumarinta gobolka Sool. Waxaanan  faray in bulshadda loogu adeego si hufan oo xilkasnnimo leh”.

“Shaki kumo jiro, in horumar laga sameeyey daadejinta adeegyada dawliga ah, waana sii xoojinaynaa oo dar-dar gelinaynaa Insha Allaah” ayuu qoraalkiisa ku soo gebagabeeyay badhasaabka Sool.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version