fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaKulan Dhex Maray Wasiirka Deegaanka Somaliland Haayadda FCDO

Kulan Dhex Maray Wasiirka Deegaanka Somaliland Haayadda FCDO

    

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa shir  la yeelatay saraakiil ka tirsan haayadda FCDO oo ka mida haayadaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xafiiska wasaaraddda deegaanka ee magaaladda Hargaysa ayaa shir wada tashi oo  qayb ka ahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa haayadda FCDO iyo wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland.

Waxaana kulankaas shir gudoominayay  wasiirka wasaaradda deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo uu wehelinayay Agaasimaha guud ee wasaaradaasi C/naasir Axmed Xirsi.

Iyadoo ay dhinaca haayadda FCDO ku metelayeen shirkaasi  mr. Divid Morgan, oo ah masuul ka tirsan haayadaasi, iyo sidoo kale xubno ka tirsan wasaaradda deegaanka Somaliland.

Shirkaas oo ahaa  mid wada tashi  ayaa lagu falan qeeyay sidii ay  labadda dhinac uga wada shaqayn lahayeen arrimaha bad-baadinta deegaanka Badda (Marin Environment) .

Gebagebadii kulankaasi ayay labadda dhinac iskula qaateen arrimo khuseeya sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen ilaalinta deegaanka Baddaha Somaliland, maadaama oo dhibaatadda isbedelka cimiladu uu saamayn ku yeeshay Baddaha.

Waxaanay wasaaradda deegaanka Somaliland iyo masuulka ka socday haayadda FCDO ku balameen sidii ay iskaashi iyo wada shaqayn uga yeelan lahaayeen arrimaha ilaalinta deegaanka Baddaha.

Dhinaca kale aayadda xafiiska horumarinta arrimaha dibadda ee dawladda Britain oo magaceedda loo soo gaabiyo   Foreign Commonwealth and Development Office (FCDO), ayaa ka mid ah haayadaha ka shaqeeya arrimaha ilaainta dhibaatooyinka deegaanka Baddaha.

Waxaanay haayadda FCDO wasaaradda deegaanka Somaliland kala shaqaysaa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka wasakhowga Baddaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)