Thursday, April 18, 2024
HomeWararka“Waynu ka dhutinaynaa saldhigyadda halka kiisku ka qaloocdaana waa saldhiga”…

“Waynu ka dhutinaynaa saldhigyadda halka kiisku ka qaloocdaana waa saldhiga”…

    

Taliyaha ciidamadda booliska Somaliland sareeye guuto Maxamed Saqadhi Daba-galle, sheegay in dhibaatooyin fara badan ay ka jiraan nidaamka baadhista kiisaska kala duwan ee saldhigyadda booliska.

Waxaanu tilmaamay in meesha ay kiisasku ka qaloocdaan ay tahay danbi-baadheyaasha ka hawl gala saldhigyadda booliska ee dalka.

Taliyaha ayaa kula dar-daarmay taliye qaybeedyadda ciidamadda booliska in looga baahan yahay   in ay arrintaasi si weyn feejignaan ugu yeeshaan.

Waxaanu yidhi, “Arrinta inoogu daran ee ina haystaan na waxay tahay, kiisku baadhaha saldhiga ayuu ka toosayaa ama ama ka qaloocanayaa. Hadaynu dhamaanteen qodobkaa fahamno, baadhuhu na wuu is ilaalinayaa, taliyaha saldhiguna baadhaha wuu ku sii ilaalinayaa. Taliyaha qaybtuna, 24-ka saacadoodba wuu dul taagnaanayaa.

Halkaa feejignaan dheeraad ah ayaynu ka wada qaadanaynaa, haddii aynu wada fahamno. Kiisku hadduu baadhaha ka qaloocdo, madaxweynuhu ma toosin karayo.

Sababtoo ah kiis la soo diyaariyay, oo la soo dhisay, oo cadaymo la soo raaciyay, oo la isku soo duba-riday, cidi ma toosin karayso, haddii aan marka hore la toosinin” ayuu yidhi Sareeye guuto Maxamed Saqadhi Daba-galle.

Taliyaha ciidamadda boolisku waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay tababar uu magaaladda Hargaysa uga furay taliye qaybeedyadda ciidamadda booliska ee goboladda dalka iyo danbi-baadheyaasha saldhiyadda.

Tababarkaasi oo socon donna muddo saddex maalmood ah ayaa lagu abran doonaa macluumaad la xidhiidha arrimaha baadhista kiisaska iyo sida loola dhaqmo maxaabiista iyo dhibaneyaasha u soo dacwoodda saldhigyadda booliska.

Taliye Dab-galle, oo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaan doonayaa in aynu dhamaanteenba awoodda isugu gayno saldhigyadda.  Bulshadda halka isku keen xidhaa waa saldhigyadda. Bulshadda halka isku keen xidhaa waa CID, bulshadda halka isku keen xidhaa waa Taraafiga, laandheeraha iyo aabuhuna waa saldhigyadda.

Saldhiga dhibanoo dhan ayaa imanay. Haday saldhiga awoodda saarno, oo xidhiidhka dadweynaha inoo dhexeeya aynu hagaajino, oo qofka dhibanaha ah aynu akhlaaq ku soo dhawayno, oo aynu baahidiisa markiiba deg deg uga jawaabno, kiiskiisana cadaalad ugu baadhno.

Qofka maxbuuska ah ee aynu hayno na, si wanaagsan u qabano oo akhlaaqadaysan, oo meel nadiif ah aynu ku xidhno,  oo ehelkiisa aynu tusno, oo haddii uu xanuunsado aynu dhakhtar gayno, oo aynu xaaladiisa ka war hayno”.

“Booliskeenu waxaad moodaa inuu kor u kacay. Laakiin, waynu ka dhutinaynaa saldhigyadda. Saldhigyadda dib baynu ugu noqonaynaa.

Taliyaha qaybtu ayaanu habeenkii seexanin ilaa uu ogaado, oo uu eego diiwaanka, dadka u xidhan iyo mid waliba waxa uu ku xidhan yahay.  Subaxdiina waa inuu eegaa saldhigyadiisa waxa xalay soo kordhay” ayuu yidhi taliyaha ciidamadda booliska Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version