fbpx
Saturday, September 23, 2023
HomeWararkaMaamulaha Kastamka Kalabaydh Oo Shahaaddo Sharaf La Guddoonsiiyay

Maamulaha Kastamka Kalabaydh Oo Shahaaddo Sharaf La Guddoonsiiyay

    

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland ayaa shahaado sharaf iyo abaalmarin guddoonsiiyay maamulaha Kastamka Kalabaydh Cabdikariin Maxamed Guuleed (Cawaale).


Abaalmarintaasi oo qayb ka ahayd abaalmarino todobaadkan la guddoonsiiyay agaasime waaxeedyadda iyo madax qaybeedyadda wasaaradda maaliyadda.
Guddoonsiinta abaalmarintaasi waxaa wasiir Sacad Cali Shire ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda.
Cawaale Maxamed Guuleed, ayaa wasaarada Maaliyadu abaalmarinta uu gudoonsiiyay waxa uu ku sheegay inuu ku mutaystay sida uu kor ugu qaaday dakhali soo saarka kastamka Kalabaydh.
Isagoona dakhliga gaadhsiiyay halkii looga baahnaa, isla markaana weliba dheeraad ku daray.
Sidoo kale maamulaha kastamka Kalabaydh ayaa lagu amaanay shaqo wanaag uu muujiyay mudadii uu joogay isaga iyo shaqaalihiisa uu madaxda u yahay.

Waxaana lagu amaanay sida uu ula dagaalamay musuq maasuqa, isla markaana u muujiyay shaqo wanaag iyo karti dheeraad ah.
Geesta kale maamulaha kastamka Kalabaydh ayaa si weyn kor ugu qaaday hawlaha shaqo ee kastamka mudadda uu xilka hayay.
Waxaana la tilmaamay in maamule Cawaale, uu si weyn u dar-dar geliyay shaqadda ay ganacsatadda qaadka u hayaan.


Iyadoo ganacsatadda Qaadka ka soo dejiya Itoobiya ay si aada ugu amaaneen maamulaha hufnaan iyo shaqo wanaag.
Waxaanu noqonayaa maamulihii ugu dedaalka badnaa ee soo mara kastamka Kalabaydh, isla markaana meeshii ugu saraysay gaadhsiiya dakhliga wasaaradda maaliyadda.
Dhinaca kale kastamka magaaladda Kalabaydh ee gobolka Gabiley ayaa ah ka labaad ee dakhli soo saarka dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)