Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaTaliyaha Ciidanka Dab Demiska Oo TababarKa Hortaga Khatarta Dabka Uqabtay Saraakiil Katirsan...

Taliyaha Ciidanka Dab Demiska Oo TababarKa Hortaga Khatarta Dabka Uqabtay Saraakiil Katirsan Ciidanka Booliska Jsl.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa maanta  tababarkii Saddexaad oo ku saabsan Haanta cuntada lagu karsado u qabtay 52 Sarkaal oo ka tirsan kuuliyada tababarka Ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa.

Tababarkan ayaa todobaadkii hore saraakiishu ku qaateen sida loo isticmaalo damiyaasha yar yar ( Portable Fire Extinguishers) taasoo saraakiishu sharaxaad iyo faah faahino ku qaateen , maantana waxaa saraakiishu toos u qaateen ( practical) hababka kala duwan ee loo isticmaalo, sida looga hortago inuu Dab ka kaco iyo sida ugu sahlan ee loo damin karo.

Saraakiisha ayaa halkaas ku qaatay habab kala duwan oo loo damin karo haanta cuntada lagu karsado, oo badanaa nolosheena saamayn badan ku leh , guryaheenana aad loogu isticmaalo.

Masuuliyiinta Kuuliyada tababarka iyo saraakiil kale ayaa halkaa ka soo qayb galay waxaanay ka hadleen muhiimada aqoonta dabku ay leedahay, iyadoo ay tilmaameen inay muhiim tahay in Ciidanka Boolisku wax badan ka ogaado xirfadan.

Ugu dambayn Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa  mahadnaq ballaadhan u jeediyay Ciidanka Booliska oo ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi iyo ku xigeenadiisa oo ku ammaanay in Ciidanka xaga aqoonta, tababarada iyo anshaxa ciidanimo ka dhisaan, waxaanuu taliyuhu mar labaad tilmaamay in ciidamada Booliska iyo Dabdemisku wadashaqayn dhaw leeyihiin had iyo goorna is taageeraan.

Dhanka kalena waxaa saraakiishu halkaa suaalo ku waydiiyeen taliyaha isagoo dhammaan su’aalahaas uga jawaabay.

Ugu dambayna waxaa saraakiisha tababarkaas qaatay mid mid u sameeyeen casharadii halkaa lagu dhigayay.

Xafiiska Warbaahinta CDQ

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version