15.9 C
Hargeisa
Tuesday, November 29, 2022

DAAWO;-Madax-dhaqameedka Iyo Waxgaradka Beesha Abokor Ciise Oo Eedo Culus Ujeediyay Wasiir Cabdilaahi Abokor Oo Faro Galin Ku Hayo Musharixiinta Beesha Uga Sharaxan

)-Madax-dhaqameedka,waxgaradka iyo siyaasiyiinta iyo dhalinyarada beesha abokor ciise “ciiise muuse” oo manta shir jaraa,id ku qabtay magaalada hargaysa ayaa wasiirka gaadiidka iyo jidadka cabdilaahi abokor ku eedeeyay in uu faro galin ku hayo labo musharax oo beeshu soo xulatay in ay u kala matalaan golaha wakiilada ee gobolka saaxil iyo golaha deeaanka degmada berbera.

Sidoo kale waxgaradkan ayaa sheegay in wasiirku xisbiga ka erayayo beelihii taageersanaa isagoo caqabad ku noqday musharixiintii ay ka sharaxeen xisbiga kulmiye oo hogaanka xisbigu gudoomay.

Dhanka kale waxgaradka iyo aqoonyahan beesha abokor ciise ayaa adaxwaynaha Somaliland ugu baaqay in uu ka qabto wasiirkiisa cabdilaahi abokor oo xisbiga ka eryaya shacabka reer saaxil.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

la Xidhiidha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisement -

Arimaha Diinta