fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaXisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Murrashax Aadan Jaamac Xaddi + SAWIRRO

Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Murrashax Aadan Jaamac Xaddi + SAWIRRO

    

Xisbiga KULMIYE ee haya talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo dhaweyn iyo aqbalaad u sameeyey murrashax Aadan Jaamac Xaddi oo ka mid noqday tartamayaasha xisbiga uga qaybgali doona doorashada Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa.

Xaflad lagu qabtay hoolka shirarka xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE maanta oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad Md. Xuseen Aadan Cadde, Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Ibraahim Axmed Raabbi, Guddoomiyaha xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Cabdiraxmaan Jaamac Hadhiye, haweenweynaha xisbiga iyo madax kale, waxa qaabilaad iyo soo dhaweyn loogu sameeyey murrashax Aadan Jaamac Xaddi, iyadoo sidoo kalena ay madasha ka soo xaadireen madaxdhaqameed, odayaal, haween iyo dhallinyaro taageerayaal u ah murrashaxan.

Hadallo ay halkaasi ka jeediyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta xafladda ka qaybgalay iyo xubno odayaal ahi waxay isku raaceen in murrashax Aadan Jaamac yahay nin aqoonyahan ah oo u qalma in loo doorto xildhibaannimo, sidaa darteedna ay si buuxda u barbar-istaagayaan.

Dhinaca kalena waxa iyaguna xafladda goob-joog ku ahaa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Md. Maxamed Muuse Diiriye, Maayarka Caasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo iyaguna bogaadiyey murrashax loo xafladeeyey.

      

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)