fbpx
Saturday, September 23, 2023
HomeWararkaAgaasimaha Wasaaradda Shaqo-gelinta Oo Furay Kulan laggaga Hadlayo Sharciga Lagu Maamuli Doono...

Agaasimaha Wasaaradda Shaqo-gelinta Oo Furay Kulan laggaga Hadlayo Sharciga Lagu Maamuli Doono Xarumaha Carruurta Lagu Daryeelo

    

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa furay kulan lagu gorfaynayo sharcigii lagu maamulilahaa xarumaha carruurta lagu daryeelo.

Kulankan oo lagu qabtay magaladda Hargeysa waxa ka qayb galay daneeyeyaasha daryeelka Carruurta, Masuuliyiin ka socday wasaaradda Shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada iyo qaar ka mid ah maamulayaasha xarumaha Carruurta lagu daryeelo.

Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Cawaale Maxamed Muuse iyo Ciise Axmed oo ka socday Hay’adaha caalamiga ah ayaa   sheegay in ay muhiimtay sidii loo samayn lahaa xeer iyo nidaam ku saabsan habka daryeelka Carruurta iyo xarumaha lagu hayo, iyaga oo sheegay in cid kastaaba aanay iska samaysan karin xarun Carruurta lagu hayo iyada oo aanay marin Sharciga.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan, waxa uu dhankiisa sheegay in wasaaraddu masuul ka tahay xarumo Carruurta lagu hayo, kuwaas oo ku yaala magaalooyinka Burco iyo Hargeysa isla markaana keeneen duruufo kala duwan in Carruurta xarumo lagu hayo, agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay sharci lagu maamulo xarumahaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)