fbpx
Tuesday, December 5, 2023
HomeWararkaXisbiyadda Mucaaridka Somaliland Oo ka Hadlay Murrashaxiinta Beelaha Gabooye iyo Haweenka

Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland Oo ka Hadlay Murrashaxiinta Beelaha Gabooye iyo Haweenka

    Hogaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha loogu talogalay Kuraasta qoondada ah ee Beelaha laga tirada badan yahay.

Taasoo sida ay sheegeen xal siyaasi ah laga gaadhay.
Eng. Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo maanta ka qaybgalay kulan loogu yeedhay.
“wada-tashiga Xisbiyada iyo Beelaha Gabooye” oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa balan qaaday in ay doorkooda ka qaadanayaan sidii ay Bulshada ka soo jeeda Beelahaasi goleyaasha ugu yeellan lahaayeen metelaad.
“Asxaabta qaranku dhamaantood runtii way ku deddaalayaan dariiq kasta beeshaasi Xubnaha ka socdaa ay ku guulaysan karaan.
Asxaabtu waxay isla garteen in saddex xubnood oo Beelahaas ah laga sharaxo saddexda gobol  ee ugu waaweyn..
Markaa saddexaad la idin siiyey hadaad idinkuna midowdaan oo Inanta Awdal laga sharaxay, Murrashaxa Gobolka Maroodi-jeex ee loo daayey Barkhad iyo Inanka UCID  ka sharaxay gobolka Togdheer u dhamaataan waxaan rejjaynayaa inaad metelaad buuxda ku yaallataan golaha Wakiillada iyo Deegaamadaba”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo khudbad dhiiri-gelin ah ka jeediyey kulankaasi.


Saddexda Xisbi Qaran, ayaa ku heshiiyey in saddex Murrashax oo Golaha Wakiillada ah Beelahaasi ku yeeshaan Gobolada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Awdal, waxaana ka qaybgaleyaasha shirka loogu baaqay in ay codka iyo cududa beelahaasi ku mideeyaan sidii ay saddexdaas Murrashax ugu taageeri lahaayeen.
Guddoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna shaaca ka qaaday inay asxaabta Qaranku ku heshiiyeen in saddexda gobol ee waaweyn saddex Murrashax laga siiyo Beelaha Gabooye oo uu Gobol walba qof isaga sharaxo.
“Waxa kale oo aanu ku heshiinay maadaama aanay jirin Kooto in Haweenkana gobol walba saddex xubnood xisbiyadu ka siiyaan oo ka sharaxaan oo ay tartamaan 18 Dumar ah gobolada oo dhan”ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe oo Murrashaxiinta iyo Beelaha Gabooye ku dhiiri-geliyey in ay kalsoonidooda dhisaan, kuna deddaalaan sidii ay ula soo bixi lahaayeen Murrashaxiintooda.
Sida kulanka laga sheegay Xisbiga Kulmiye ayaa xubin ka soo jeeda Beelahaasi ka sharaxay Gobolka Awdal, Gobolka Maroodi-jeexna Xisbiga Waddani, halka uu Xisbiga UCID ka sharaxayo Gobolka Togdheer.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)