fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararka“Waxaanu Diyaar U Nahay Inaanu Kala Shaqeynta Mareykanka Difaaca iyo Taageerada Sharafta...

“Waxaanu Diyaar U Nahay Inaanu Kala Shaqeynta Mareykanka Difaaca iyo Taageerada Sharafta Aadanaha

Somaliland iyo Mareykanka
Somaliland iyo Mareykanka
    

Somaliland iyo Maraykanku waxay wadaagaan dano istiraatiiji ah iyo iskaashi sare oo soo jireen ah, taasoo muddo dheer ku taageeraynay joogitaanka Mareykanka ee Geeska Afrika.

Qoraal uu soo saaray Gudoomiyaha kooxda uga ololeysa Madaxbanaanida Somaliland Maraykanka, oo lagu baahiyey The Times News, islamarkaana loogu hambalyeeyey Madaxweyne Biden iyo ku xigeenkiisa Harris ayaa lagu sheegay in guushoodu muujinayso ku qanacsanaaanta shacabka Maraykanka waaya-argnimadaada siyaasadaha gudaha iyo dibedda.

“Ku lug lahaanshaha Maraykanka ee arrimaha bani’aadamnimada ee Somaliland iyo horumarka dimuqraadiyadda Afrika, waa tusaalooyin geesinimo leh oo Mareykanku ku saxayo khaladaadkii hore, iyada oo si gaar ah isha loogu hayo jihada siyaasadeed ee maamulka Mareykanka ku bedeli doono, iyo siduu u tixgelin doono shuruudaha ay hadda ku sugan tahay Somaliland ee suurtagalka ah ku lug lahaanshaha dadban ama ka toosan ee maamulkaaga.

Somaliland waxay mar kale soo bandhigtay muhiimadda ay leedahay kobcinta hay’adaha dimoqraadiyadeed iyo hanaanka doorashooyinka, waxayna rajeyneysaa inay sii wado wada shaqeynta Madaxda iyo xukuumada Maraykanka.

Waxaan diyaar u nahay inaan kala shaqeynta Maraykanka iyo Caalamka difaaca iyo taageerada sharafta aadanaha oo dhan.”

Dhinaca kale, Safiirka Somalialnd u fadhiya dalka Maraykanka ayaa bogaadiyey u dhaarinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka xilalkooda cusub ee Maraykanka.

Fariin lagu baahiyey barta Safaarada Somaliland ee Maraykanka Arbacadii ayaa lagu yidhi,

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyada Somaliland, waxaan u rajeynaynaa Madaxweyne Joe Biden iyo ku-xigeen Kamala Harris, inay u hogaamiyaan guul Maraykanka, xilligan cusub.

Somaliland waxay rajaynaysaa iskaashi ku saabsan qiyamka la wadaago ee nabada aduunka, dimuqraadiyada & barwaaqada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)