Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaHoggaanka Xisbiga KULMIYE oo Aqbalay Murrashaxnimada Yaxye Cabdillaahi Araarse + SAWIRRO

Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo Aqbalay Murrashaxnimada Yaxye Cabdillaahi Araarse + SAWIRRO

    

Hoggaanka xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa si buuxda u aqbalay murrashaxnimada Yaxye Cabdillaahi Iimaan (Araarse) oo xisbiga ugu tartami doona doorashada Golaha Wakiillada isagoo metalaya Gobolka Maroodi-jeex

Kulan ka qabsoomay hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE maanta, ayaa qaar ka mid ah madaxda sare ee xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), Guddoomiyaha xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Cabdiraxmaan Jaamac Hadhiye iyo xubno kale waxay ku soo dhaweeyeen murrashax Yaxye Cabdillaahi Araarse oo ay wehelinayeen madax-dhaqameed, odayaal, aqoonyahan iyo dhallinyaro ka soo jeeda deegaankiisa.

Xubno ka mid ah madaxdhaqameedka, odayaasha iyo dhallinyarada  oo hadallo ka jeediyey kulankaasi, ayaa soo bandhigay sababta ay tartanka xildhibaanno ugu soo sharraxeen murrashax Yaxye Cabdillaahi Iimaan (Araarse), waxaanay tilmaameen in murrashaxan ay u arkeen inuu aqoon ahaan, dadnimo ahaan iyo xil-kasnimo ahaanba uu u qalmayo xilka xildhibaannada Golaha Wakiillada, sidaas darteedna ay xisbiga ka codsanayaan inuu ka aqbalo codsigooda.

Gebogabadiina, hoggaanka xisbiga KULMIYE waxa uu halkaasi si buuxda ugu aqbalay murrashaxnimada Yaxye Cabdillaahi Araarse inuu ka mid noqdo murrashaxiinta xisbiga ugu tartami doona doorashada Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex.

       

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version