fbpx
Thursday, November 30, 2023
HomeWararkatoobiya oo Beenisay In Ciidamo Soomaali Ah Ka Qeyb-qaateen Dagaalkii Tigrayga

toobiya oo Beenisay In Ciidamo Soomaali Ah Ka Qeyb-qaateen Dagaalkii Tigrayga

Afhayeenka Wasaarradda Arrimaha dibadda Dowladda Itoobiya
    

Dowladda Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay in ciidamo Soomaali ah ka barbar dagaalameen ciidanka difaaca Qaranka Itoobiya ee dagaalka la galay xoogagga Tigrayga.

Afhayeenka Wasaarradda Arrimaha dibadda Dowladda Itoobiya Dina Mufti ayaa warka ku saabsan in ciidamo Soomaali ah ka qeybqaateen dagaalkii Waqooyiga Itoobiya ee lala galay Tigrayga yihiin kuwo been abuur ah.

“Waxaan aragnay warar sheegaya in ciidamada Eritrea ay u soo gudbeen xuduudda Ethiopia. Waxaan sidoo kale aragnay warar la mid ah oo sheegaya in askar Soomaali ah ay ka qeyb-galayaan dagaalka. Labada sheeko waa been abuur aan sal laheyn,” waxaa sidaas yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Dina Mufti.

Warkan arrintan ku saabsan ayaa xiisad weyn ka dhax abuuray siyaasadda Soomaaliya, waxaana jira cadaadis xoog leh oo madaxda Soomaaliya lagu saarayo in ay jawaab ka bixiyaan waxa ka jira in ciidamo Soomaali ah ka dagaalameen Itoobiya.

Laakiin dowladda Federaalka arintan waa ay beenisay iyada oo ku tilmaamtay warar la siyaasadeynayo oo ay ka faa’ideysanayaan dadka dowladda ka soo horjeeda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)