Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMaxkamad Ku Taalla Itoobiya oo Laashay Dacwado Ka Dhan Ahaa Jawaar Maxamed

Maxkamad Ku Taalla Itoobiya oo Laashay Dacwado Ka Dhan Ahaa Jawaar Maxamed

Jawaar Maxamed
    

Maxkamad ku taalla Itoobiya ayaa laashay lix dacwadood oo uu wajahayay siyaasiga caan ah ee ka tirsan qowmiyadda Oromada, Jawaar Maxamed, kuwaasoo dhammaantood la xidhiidha heysashada hub sharci darro ah.

Jawaar,oo sidoo kale ah milkiilaha warbaahineed oo caan ah, ayaa bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay lala xidhay dhowr ruux oo kale, kaddib markii ay dalkaas ka dhaceen rabshado daba socday dilkii loo geystay fannaankii Oromada u dhashay ee lagu magacaabi jiray Hachalu Hundessa.

In ka badan 80 ruux ayaa lagu dilay qalalaasaha ka dhashay cadhadii uu sababay dilka fannaanka oo 34 jir ahaa, saameyn weynna ku dhex lahaa bulshada Oromada.

Bekele Gerba iyo Dejene Tafa, oo labaduba kasoo jeeda isla qoomiyadda Oromo, ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee maxkamadda lala soo taagay Mr Jawaar.

Garsooreyaasha maxkamadda ayaa ayaa sheegay in dacwadaha la laalay ayna meel ka dhac ku ahayn sharciga u yaalla dalka Itoobiya ee heysashada hubka sharcidarrada ah.

Hase yeeshee ragga eedeysaneyaasha ah ayaa wali wajahaya afar dacwadood oo kale, oo ay ku jiraan argagixisanimo iyo musuqmaasuq dhinaca warbaahinta ah.

Mr Jawaar ayaa maxkamadda u sheegay in kiiskooda oo dhan uu yahay mid siyaasad salka ku haya, ujeeddada kaliya ee laga leeyahayna ay tahay sidii lagaga hor istaagi lahaa isaga inuu u tartamo xafiis dowladeed marka la gaadho doorashada lagu wado inay Itoobiya ka dhacdo bisha June ee sanadkan.

Jawaar ayaa hore dacwado argagixisannimo ku saabsan u wajahay, xilli uu dibad joog ku ahaa waddanka Mareykanka.

Dacwaddaas waxay la xidhiidhay shaqadii uu kasoo qabtay warbaahinta Oromia Media Network (OMN), taasoo uu isagu madax ka ahaan jiray, balse kiiskaas waxaa la iska laalay markii uu Abiy Axmed xilka la wareegay bishii April ee sanadkii 2018-kii.

Tallaabadaasina waxay qeyb ka ahayd isbadalladii uu sameeyay Ra’iisal Wasaaraha cusub.

Abiy Axmed iyo Jawaar Maxamed ayaa mar ahaan jiray xulafo, laakiin markii uu Jawar dalka dib ugu soo laabtay ayuu billaabay inuu Mr Abiy ku ku eedeeyo in aanu dadaal ku filan u sameyneynin wax ka qabashada dhibaatooyinka ay muddada dheer ka cabanayeen bulshada Oromada ee ay labadooduba kasoo jeedaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version