Tuesday, April 16, 2024
HomeWararkaXidhidhka Ciyaaraha Fudud oo Shaaciyey Tartan Orodada Ah iyo Shuruudaha Orodyahanada Laga...

Xidhidhka Ciyaaraha Fudud oo Shaaciyey Tartan Orodada Ah iyo Shuruudaha Orodyahanada Laga Rabo

Xidhidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland
    

Xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland ayaa shaaciyay inay dhawaan qaban doonaan tartanka dhanka ororka ah, kaas oo ay ka qayb-gali doonaan orodyahanada caasimada Hargeysa.

Gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland Maxamed Xasan Nageeye oo u waramaayay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegay in diiwaan gelinta ciyaaryahanada danaynaaya inay ka qayb-qaataan tartankaas ay yimaadaan xafiiska xidhiidhka ciyaaraha fudud laga bilaabo 23/01/2021 ilaa 23/02/2021.

Maxamed Xasan Nageeye gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland waxa kale oo uu sheegay in sharuudaha laga rabo orodyahanada ka qayb-qaadanaaya tartankaas ay ka mid yihiin:-

Inuu sito kaadhka dhalashada Somaliland.

Inuu sito warqada caafimaad oo ka soo baxday cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Inuu bixiyo bixiyo afar iyo afartann kun oo shlinka Somaliland ah.

Orod yahanka tartankaas ka qayb-galaaya ee ka tirsan koox ama naadi waa inuu bixiyaa lix iyo sideetan kun oo shilinka Somaliland ah.

Ugu dambayn gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland waxa uu sheegay in tartankaas qabashadiisa ay la kaashan doonaan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, waxaanuu intaas ku daray in u jeedada tartankaasi tahay horumarinta iyo kor u qaadida ciyaaraha fudud.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version