Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaWasiir Koore iyo Wefti Uu Hogaaminayo oo Gaadhay Deegaano Ka Tirsan Gobolka...

Wasiir Koore iyo Wefti Uu Hogaaminayo oo Gaadhay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Xaysimo

    

Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maalmihii ugu dambeyey safar shaqo ku joogay gobolka Xaysimo ayaa gaadhey degaanka Carooley oo ka tirsan gobolka Xaysimo.

Degmada Carooley oo ay ka socoto diwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka Somaliland ayuu wasiirku kormeer kusoo maray goobaha ay diwaangelintu ka socoto, isaga oo ugu baaqay shacabka degaankaas in ay waqtiga ka faa’iidaystaan oo is diwaangeliyaan.

Waxa uu Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore sheegay in ay degaankaas ka jirto abaar xun,taas oo sababtay in dadkii degaanka ee xoolo dhaqatada ahaa ay isu iman kari waayaan, isla markaana ay goobahaas ka hayaameen.

Wasiirka ayaa sheegay in diwaangelintu degaankaas uga socoto si xoogan, iyada oo ay dadku aad isu diwaangelinayaan, iyaga oo muujinaaya rabitaankooda,isaga oo si gaar ah ugu mahadnaqay ciidamada Qaranka Somaliland ee gobolka Xaysimo oo qayb weyn ka qaatay ilaalinta nabadgelyadda degaanadda ay ka socoto is diwaangelintu.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha gobolka Xaysimo ayaa uga mahadnaqay dadweynaha reer Xaysimo sida balaadhan ee ay isu diwaangeliyeen, isaga oo kula dardaarmay dadka gobolkaas in ay ka faa’iidaystaan waqtiga u hadhay.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Ka hortaga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland oo isna ka hadlay deegaanka Caroley ee gobolka Xaysimo ayaa sheegay in aanu wakhtigu ku filayn dadka deegaankaasi, isla markaana loo baahan yahay in wakhti loogu daro.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version