26.1 C
Hargeisa
Wednesday, March 22, 2023

Somaliland oo Dowladda Sierra Leone Ka Dalbatay Inay La Isticmaasho Furaheeda Xagga Internet-ka

Home 
Somaliland iyo Sierra Leone
Somaliland iyo Sierra Leone
    

Dowladda Somaliland, ayaa Dowladda Sierra Leone ka codsatay inay la isticmaasho Furaheeda Xagga Internet-ka (Domain), maaddaama oo uu ku dhamaado SL oo u ekaan kara Somaliland.

Domain ayaa ah waxa Dawladaha Adduunku u adeegsadaan inay Magacooda raaciyaan Bogagga Internet-ka, sida (Google.so) ama (Google.co.uk), laakiin Somaliland oo muddo 30 sanadood ah ka Madax-bannaan Soomaaliya ayaan helin Madax-bannaani dhinaca Internet-ka ah, marka lagu eego indhaha Caalamka, waxaana jira (Google.so) oo u taagan Soomaaliya, balse taa beddelkeeda Somaliland ayaa doonaysa inay hesho Dhoomayn (Domain) siin kara Google.SL, kaasi oo ah ka Dawladda Sierra Leone.

Ma jiro War Rasmiya oo Dowladda Somaliland ku shaacisay arrintan, basle Warbaahinta Somalilandchronicle.com oo Warbaahinta Hargeisapress soo xigtay, ayaa baahiyey Warkan, isagoo soo xiganaya Warqad ku qoran Afka Ingiriisiga oo uu sheegay in Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdweli Suufi Jibriil uu u diray Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta Sierra Leone, kaasi oo Magaciisu yahay Mr. Mohamed Rahman Swaray, taasi oo kaga dalbaday in Somaliland la isticmaasho furaha Internet-ka ee .SL.

Halkan hoose guji oo ka akhri warka oo Afka Ingriiska ku qoran.

la Xidhiidha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisement -

Arimaha Diinta