fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaSiyaasi Ka Tirsan KULMIYE oo Guurtida U Soo Jeediyey Inay Is-waafajiyaan Xilliga...

Siyaasi Ka Tirsan KULMIYE oo Guurtida U Soo Jeediyey Inay Is-waafajiyaan Xilliga Loo Cayimay Doorashada & Muddo-kordhintii Wakiillada

Golaha Guurtida Somaliland
    

Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar oo ka tirsan Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, xil wasiirnimana ka soo qabtay Xukuumaddii hore Axmed Siillaanyo, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajaahan qabsoomida Doorashooyinka, waxaanu si gaar ah tallooyin ugu diray Xisbiyada iyo Golaha Guurtida.

Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dhammaan Gobollada dalka oo dhan Diiwaangelintii waa laga sameeyey, oo dadkii aan hore fursadda ugu helin is diiwaangelinta ayaa is diiwaangeliyey, oo dadku imika waxay aad u fahmeen wax aanay hore u fahansanayn, oo ah qiimaha ay is diiwaangelintu leedahay iyo qiimaha ay Doorashadu leedahay, maxaa yeelay qof walba wuxuu xor u yahay inuu u codeeyo cidda uu rabo, laakiin waxaa ka horeeya inuu marka hore qofku helo xuquuqda uu ku codaynayo”.

Mar uu ka hadlayey Doorashooyinka ayuu yidhi “Doorashooyinka waxaa la qabanayaa siday Komishanku inoo sheegeen sannadkan, oo iyaga ayaa garanaya qaabka ay ku qabanayana iyo wakhtiga ay ku qabanayaan, oo wakhtigii hore loo cayimay way ka soo horeeyaan Doorashooyinku, balse Golaha Guurtida waxaynu ka filaynaa inay tixgeliyaan wakhtiga heshiiska lagu wada yahay ee Komishanku cayimay inay Doorashooyinka ku qabanayaan, waxaana Golaha Guurtida ka codsanayaa inay wakhtigan ansixiyaan oo ay meel mariyaan”.

Mar uu baaq u dirayey Xisbiyada ayuu yidhi “Tartan baa dhacaya, oo Doorashooyin baa dhacaya, oo Xisbiyadu way tartamayaan, markaas Xisbiyada waxaan leeyahay tartankiinu ha noqdo tartan bilaa turxaana, oo ka fogaado wax kasta oo umadda kala fogaynaya”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)