fbpx
Thursday, November 30, 2023
HomeWararkaJoe Biden oo Saxeexay Wareegtooyin Qaarkood Saameynaya Soomaalida

Joe Biden oo Saxeexay Wareegtooyin Qaarkood Saameynaya Soomaalida

    

Joe Biden oo shalay loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynaha 46 aad ee Mareyakanka ayaa saacado un kadib dhaartiisa saxeexay wareegtooyin madaxaweyne oo uu ku laalay wareegtooyin hore uu u dhaqangaliyay Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Donald Trump.

Wareegtooyinka uu saxeexay madaxweynaha cusub waxaa kamid inuu hakiyay xayiraaddii safar ee Trump uu kusoo rogay toddoba waddan oo ka mid ah dalalka Muslimiinta oo Soomaaliya ay ku jirto inay dadkooda ay u socdaalaan Mareykanka.

Xayiradaas socdaalka ayaa saameysay Soomaali badan oo ku jira xerooyinka qaxootiga oo ku hami weynaa in loo soo qaado dalka Mareykanka. Waxay sidoo kale u diiday Soomaalida Mareykanka ku nool qaarkood in dalka la keeno ehelladooda, sida xaasaska iyo carruurta.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale joojiyay darbigii Trump uu ka dhisayaay xadka Mareykanka uu la wadaago dalka Mexico.

Mid ka mid ah wareegtooyinka ayaa Biden waxa uu Mareykanka dib ugu celiyay heshiiskii cimilada ee Paris.

Joe Biden ayaa wareegtooyinka uu soo saaray dhaartiisa kadib waxaa kale oo ka mid ah, inuu qasab uga dhigay qof kasta oo galaya dhismayaasha dowladda federaalka ee Mareykanka inuu xidho maaskaro, taas oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Coronavirus.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)