fbpx
Wednesday, June 7, 2023
HomeWararkaXukuumadda oo Taawaradda Shirkaddaha Isgaadhsiinta Ka Saaraysa Hargeysa

Xukuumadda oo Taawaradda Shirkaddaha Isgaadhsiinta Ka Saaraysa Hargeysa

    

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland Dr. Cabdiweli Cabdilaahi Suufi, ayaa shaaca ka qaaday in Taawaradda shirkaddaha isgaadhsiinta laga saarayo gudaha magaalada Hargeysa.

Waxaa kale oo uu Wasiirku sheegay in guud ahaan Taawarada ka taagan gudaha caasimada ay dhan yihiin 220 midh.

Dhanka kale, wasiirka isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland wuxuu sheegay in talaabadii ay dhawaan wasaaraddu liisamada kagala noqotay shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka ka hawl-gala ay wasaaraddu uga gollahayd in lagu horumariyo qaabka lagu bixiyo liisamada, maadaama oo shirkadaha isgaadhsiinta qaarkood ay liisamada qaateen labaatan sanno ka hor.

Wasiirka Isgaadhsiinta ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha Wakiillada, isagoona sheegay in ay isku afgarteen arrimhii ay ka kulankaas xogwaraysiga iskula soo qaadeen, waxaanu tilmaamay in ay isla garteen in wasaaraddu samayso qaab iyo shuruuc lagu maamulaayo suuqa isgaadhsiinta dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, ayaa sheegay in wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda oo ay weheliyaan madaxda qaar ka mida waaxyaha wasaaradaas ay ka xogwaraysteen shaqada ay qaranka u hayaan.

Waxaanu intaas ku daray in arrimaha ay kulankaas ku lafo-gureen ay ka mid ahaayeen habraaco iyo xeer nidaamiyeyaal dhanka isgaadhsiinta ah oo wasaaraddaasi ay soo saartay, kuwaas oo uu sheegay inay wax ka tarayaan wada shaqaynta guddida dhaqaalaha, shirkadaha ka shaqeeya arrimaha isgaadhsiinta iyo wasaaradda isgaadhsiinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)