fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaXarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland oo Cambaareysay Xadhigga Afar Weriye oo Lagu Xidhay...

Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland oo Cambaareysay Xadhigga Afar Weriye oo Lagu Xidhay Boorama

Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland
    

Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa War-saxaafadeed ay Arbacada maanta soo saartay ku sheegtay inay inay ka xun tahay xadhigga afar Weriye oo tan iyo Sabtidii ku xidhan Saldhigga  Booliska ee magaalada Boorama, ka dib markii ay qoraallo kala duwan ka baahiyeen Maayerka Boorama.

Xarunta Xuquuqal Iinsaanku waxay cambaareynsay xadhiggaas, iyadoo Xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay si shuruud la’aan ah xorriyaddooda ugu soo celiso Afarta Weriye ee Boorama ku xidhan.

Waxaanay Xarunta Xuquuqal iinsaanku afarta weriye xadhiggooda ku tilmaantay mid aan sharciga loo marin.

War-Saxaafaeedka Xarunta Xuquuqda Aadamaha Somaliland Hargeysa ka soo saartay oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Hargeisapress, ayaa u dhignaa sidan:-

“Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa xukuumadda Somaliland inay si dhaqso ah oo aan shardi ku xidhnayn u sii dayso suxufiyiinta afarta ah ee ay ku xidhay Boorama.

Xuseen Caateeye Gaafane, oo ka tirsan Universal TV, Cabdilaahi Daahir Wacays, Saab Tv, Axmed Diiriye Ciiltire, SBC TV, iyo Shucayb Maxamed Kaahin, Bulsho TV, waxa ay ku jireen saldhigga Booliiska tan iyo 16 January 2021 iyada oo uu xadhigooda amray Maayarka Boorama sida ay noo xaqiijiyeen ilo badan oo aannu la xidhiidhnay. Ma jirto wax dembi ah oo lagu soo oogay.

Xadhigoodu waxa uu la xidhiidhaa qoraallo ay soo dhigeen barahooda bulshada ee Facebook oo la sheegay inay ku saaban safar la sheegay inaan la shaacin oo duqa Boorama oo ku tegay Jibuuti. Waxa la qabtay suxufiyiinta iyada oo aan wax amar maxkamadeed ah loo hayn.

Xadhiga suxufiyiintu waa sharcidarro iyo cabudhin. Suxufiyiinta Somaliland waxa ay ku shaqeeyaan deegaan cabudhin ku ah. In loo xidho suxufiyiinta wax ay ku qoreen baraha bulshada waxa ay ka soo horjeedda dastuurka iyo Xeerka Saxaafada. Maayarku awood uma laha inuu xidho qofkii soo qora wax aanu jeclaysan. Xorriyadda hadalku waa arin dastuuri ah ee maaha wax u baahan ansixinta maayar.

Sida ku cad qodobka 25(2) ee dastuurka qofna lama qaban karo hadii aanu dembi faraha kula jirin ama aanu soo saarin garsoore awood u leh xadhig sababaysan. Sidoo kale qodobka 32 ee dastuurku waxa uu damaanad qadaay xorriyadda warbaahinta oo waxa uu mamnuucay in warbaahinta la cabudhiyo.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay ugu baaqaysaa xukuumadda inay xorriyaddooda u soo celiso afarta suxufi oo ay ilaaliso xorriyadda warbaahinta.” Sidaa ayay warkeeda qoraalka ah ku tidhi Xarunta Xuquuqda Aadamaha Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)