fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaWasaaradda Waxbarashada oo Go’aamo Ka Soo Saartay Ardaydii Wax ka Baranaysay Magaalada...

Wasaaradda Waxbarashada oo Go’aamo Ka Soo Saartay Ardaydii Wax ka Baranaysay Magaalada Maqale Ee Gobolka Tigrey

Wasiirka Waxbarashada Somaliland
    

Wasaaradda warxbarashada iyo sayniska Somaliland ayaa go’aamo ka soo saartay Ardaydii waxbarashadu uga socotay gobolka Tigreyga ee dalka Itoobiya, kuwaas oo qaarkood iyaga oo aan soo wargelin wasaaradda ay dib ugu noqdeen gobolkaas.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, ayaa u dhignaa sidan:-

Sida aad la wada socoteen, waxa jiray arday reer Somaliland ah oo waxbarasho Jaamacadeed u joogay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigrey ee ay dagaalladu ka dhaceen, Ardaydaas oo dedaal dheer kadib la soo daadgureeyey, iyaga oo bedqabana ku soo guryo noqday dalkooda hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa aannu xog sugan ku helnay in hal arday oo ka mid ah ardaydaasi uu dib ugu ambabaxay magaalada Maqalle ee gobolka Tigrey.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland  waxa ay u aragtaa in ardaygaasi uu ku kacay fal aan loo baahnayn.

Sidaa daraadeed, Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland  waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan ardayda wax ka baranaysay Jaamacadaha gobolka Tigrey ee hadda ku sugan Somaliland:-

1. In aanay ku noqon karin Jaamacadaha magaalada Maqalle ilaa ay oggolaansho rasmi ah ka helaan Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland  .

2. In ardayda u hoggaansami weyda awaamiirta Wasaaradda Waxbarashada laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Ugu danbayn, waalidiinta ardaydaasi waxaanu ku wargelinaynaa in aanay Wasaaradda Waxbarashadu masuul ka ahayn bedqabka carruurtooda haddii ay amar la’aan baxaan.

Ardayda ama Waalidiinta u baahan xog dheeraad ah hala soo xidhiidhaan Wasaaradda Waxbarashada iyaga oo soo wacaya lambarkan 9666.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)