fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaMidowga Musharaxiinta Mucaaridka Soomaaliya oo Walaac Ka Muujiyey Xaalada Ciidamadii Tobabarka Loogu...

Midowga Musharaxiinta Mucaaridka Soomaaliya oo Walaac Ka Muujiyey Xaalada Ciidamadii Tobabarka Loogu Qaaday Eritrea

Midowga Musharaxiinta Mucaaridka Soomaaliya
    

 Midowga Musharaxiinta Mucaaridka Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaalada ciidamadii tobabarka loogu qaaday Ereteeriya, xili ay maalmihii u dambeeyay waalidiinta dhalinyaradaas ay muujinayeen cabasho balaadhan.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in wal-walka iyo walbahaarka la qabaan waalidiintaas wiilashooda kaga maqan yihiin Ereteriya.

Waxa uu ka digay in la siyaasadeeyo cabashada kasoo yeedhaysa waalidiintaas, oo walaac ka qaba halka ay ku dambeeyen carruurtoodii la geeyay Ereteriya, kuwaasi oo lasoo warinayo inay ka qeyb galeen dagaalkii dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu ka jawaabo cabashada waalidiitaas, isla markaana uu faah-faahin ka bixiyo halka ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas iyo xaaladooda caafimaad.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay maalmihii u dambeeyay isasoo tareysay cabasho kasoo yeedhay waalidiinta dhalinyaro loogu qaaday dalka Ereteriya si loogu soo tobabaro, oo ay la’yihiin nolol iyo geeri wax ay ku sugan yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna dhinaceeda beenisay inay jiraan ciidamo tobabar loo qaaday oo ka qeyb galay dagaalka TPLF, xili ay ilo xogagaal ah ay soo warinayaan inay ciidamadaasi ka qeyb qaateen dagaalkaas, oo xukuumadda Abiy Axmed dhamaadka sanadkii hore ku qaaday maamulka TPLF.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)