fbpx
Saturday, September 23, 2023
HomeWararkaGuddoomiyaha Maxkamdda Sare oo Dhaariyey Xildhibaan Ku Soo Biiray Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha Maxkamdda Sare oo Dhaariyey Xildhibaan Ku Soo Biiray Golaha Wakiillada

    

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta, dhaariyay Axmed Cali Warsame, oo ka mid noqon doona Xildhibaanada golaha Wakiilada Somaliland.

War ka soo baxay maxkamada sare ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadan Xaaj Cali Axmed, ayaa maanta dhaariyay mudane Axmed Cali Warsame, oo ka mid noqonaya xildhibaanada golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.

Xildhibaan Axmed Cali Warsame ayaa buuxiyay jago ka banaanaatay golaha wakiillada, taasi oo uu baneeyay xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), oo ka mid ahaa mudanayaashii xisbiga UCID ee laga soo doortay gobolka Sanaag, komishanka doorashooyinka qaranka oo tixraacaya qodobka 78, faqradiisa 2-aad ee xeerka doorashada golaha wakiilada JSL Xeer Lr. 91/2020,  oo sheegaysa nidaamka loo buuxinayo jagada ka banaanaata golaha wakiilada, waxa uu  u soo xulay mudane Axmed Cali Warsame oo ah kaydka saddexaad ee xisbiga UCID in uu buuxiyo jagadaasi.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee dalka JSL u soo gudbiyay 19-kii bishan codsi ay ku dalbanayaan in loo dhaariyo mudane Axmed Cali Warsame jagada ka banaanaatay golaha Wakiilada.

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay xildhibaanka in uu qaranka ugu adeego si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)