fbpx
Saturday, September 23, 2023
HomeWararkaMadaxweyne Biixi iyo Safiirka Ingiriiska oo Ka Wada-hadlay Doorashooyinka Isku Sidkan iyo...

Madaxweyne Biixi iyo Safiirka Ingiriiska oo Ka Wada-hadlay Doorashooyinka Isku Sidkan iyo Arrimo Kale

Madaxweyne Biixi iyo Safiirka Ingiriiska
Madaxweyne Biixi iyo Safiirka Ingiriiska
    

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska, Amb. Ben Fender oo uu wehelinaayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland oo dalka ku yimid safar shaqo oo ah safiirkii u danbeeyey shaqadiisa.

Kulankan oo daarnaa xog warran guud ayaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo lagu wado inay dalka ka qabsoonto 31/05/2021. Ka dib markii ay cayimeen komishanka doorashooyinka qaranka, kuna raaceen saddexda xisbi qaran loona gudbiyey golaha guurtida Somaliland oo go’aanka u danbeeya iska leh.

Waxa kale oo lagu lafo guray kulanka deeqaha dalka ingiriisku Jamhuuriyadda Somaliland ku taageero dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada, sidoo kale waxa laga wada hadlay xaaladda amni ee wakhtigan ay ku sugan tahay mandaqadda geeska Afrika.

Waxaanu madaxwweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, safiirka uga mahadnaqay muddadii ay soo wada shaqeeyeen, maaddaama oo lugtii ugu danbaysay shaqadiisu ay ahayd maanta oo madaxweynuhu ku qaabilay xafiiskiisa. Iyadoo madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Ingiriiska inay is waafajisay tiirarka qorshaha horumarinta Somaliland iyo deeqaha Ingiriisku siiyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhiniciisa, safiirku waxa uu madaxweynaha iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba uga mahadnaqay sidii milgaha iyo sharafta lahayd ee ay ula shaqeeyeen intii uu xilkaasi hayey.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)