fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaLATEST NEWS Wasaarada Waxbarashada Jsl Oo Ka Hadashay Ardaydii Reer Somaliland Ee...

LATEST NEWS Wasaarada Waxbarashada Jsl Oo Ka Hadashay Ardaydii Reer Somaliland Ee Laga Soo Daad Gureeyay Dagaalada Itoobiya Oo Qaarkood Dib Ugu Noqdeen Gobolka Tigreey!

 

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashadda somaliland  Axmed Abokor ayaa war-saxaafadeed soo saaray  ardaydii reer Somaliland ee laga soo badbaadiyay dagaalada ka socda gobolka tigreey ee itoobiya amar la,aan dib ugu noqday magaalada maqalle. Wuxuna udhignaa sidan;

WAR SAXAAFADEED

Taariikh: 19/01/2021

Sida Aad la wada socoteen, waxa jiray arday reer Somaliland ah oo waxbarasho Jaamacadeed u joogay dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, gaar ahaan gobolka Tigray ee ay dagaalladu ka dhaceen. Ardaydaas oo dedaal dheer kadib la soo daadgureeyey, iyaga oo bedqabana ku soo guryo noqday dalkooda hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa aannu xog sugan ku helnay in hal Arday oo ka mid ah Ardaydaasi uu dib ugu Ambabaxay Magaalada Maqalle ee gobolka Tigraay.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL waxa ay u aragtaa in ardaygaasi uu ku kacay fal aan loo baahnayn.

Sidaa daraadeed, Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan ardayda wax ka baranaysay Jaamacadaha gobolka Tigraay ee hadda ku sugan Somaliland:

1;In aanay ku noqon karin Jaamacadaha magaalada Maqalle ilaa ay oggolaansho rasmi ah ka helaan Wasaaradda Waxbarashada JSL.

2;In ardayda u hoggaansami weyda awaamiirta Wasaaradda Waxbarashada laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Ugu danbayn, waalidiinta ardaydaasi waxaannu ku wargelinaynaa in aanay Wasaaradda Waxbarashadu masuul ka ahayn bedqabka carruurtooda haddii ay amar la’aan baxaan.

Ardayda ama Waalidiinta u baahan xog dheeraad ah hala soo xidhiidhaan Wasaaradda Waxbarashada iyaga oo soo wacaya lambarkan 9666. Ayuu warsaxafeedka wasaarada waxbarashada ku yidhi Agaasimaha guud ee wasaarada Axmed Abokor

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir