fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaCiidamada Booliska oo Xabsiga Dhigay Samsam Ismaaciil Cartan oo Dhowaan Gabadh Yar...

Ciidamada Booliska oo Xabsiga Dhigay Samsam Ismaaciil Cartan oo Dhowaan Gabadh Yar oo U Shaqaynaysay Muuqaal Ka Duubtay

    

 Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa xabsiga dhigay Haweenay Muuqaal ka duubtay, isla markaana Baraha Bulshada ku baahisay Gabadh Yar oo u shaqaynaysay.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Samsam Ismaaciil Cartan ayay Ciidamada boolisku gurigeeda ka soo qabteen Abaaro 12 Dihurnimo ee Maanta.

Samsam Ismaaciil Cartan ayaa hada ku xidhan Saldhiga Koodbuur ee magaalada Hargeisa.

Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku haya baadhitaan khuseeya waxa ku kalifay Muuqaalka ay ka duubtay Gabadhaasi yar ee u shaqaynasay.

Dhinaca kale, maamulka Baanka dhexe ayaa shaaciyay in shaqaale rasmiya ay ka dhigeen Ayaan Maxamed Yuusuf, oo ah gabadha ay tacadiga ku samaysay Samsam Isaamciil taasi oo u shaqanaysay, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Baanka Dhexe.

“Madaxda Sare ee Baanka Dhexe ee Somaliland, markii ay arkeen muuqaalka lagu baahiyay barraha bulshadda ee ku saabsan gabadha yar ee gacanta ku xidhan calanka JSL, taas oo ay muuqatay ku xadgudub xuquuqiyaadka aasaasiga ah ee gabadha yar, isla markaana ay arkeen duruufaha ku gadaaman qoyska gabadha yar.

Waxaa uu Guddoomiyaha Baanku  Go’aamiyay in gabadhaas yar laga shaqaalaysiiyo Baanka Dhexe ee JSL” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Baanka dhexe ee Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir