Friday, March 29, 2024
HomeWararkaCiidamada Mareykanka Oo Maanta Ka Wada Baxaya Soomaaliya

Ciidamada Mareykanka Oo Maanta Ka Wada Baxaya Soomaaliya

    

Dhammaan ciidamada Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Jimce ah, 15-ka bisha January, isaga baxaan Soomaaliya.

Taliska milatiga Mareykanka ma aysan faahfaahinin sababta Soomaaliya looga saarayo ilaa 700 oo ka mid ah askartooda oo aad u hubeysan, laakiin waxay sheegeen in Mareykanku uu sii wadi doono garab istaagidda Dowladda Soomaaliya iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda islaamiga ah ee Al-Shabaab.

Ciidamada Mareykanka ee ugu dambeeyay ayaa gudaha Soomaaliya galay sanadkii 2007-dii, howshooda ugu weynna waxay ahayd in ay ciidamada dowladda federaalka ka caawiyaan dhinaca tababarka.

Hase yeeshee, ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dilay tiro ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab oo ay ku bartilmaameedsadeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn, maraakiibta gantaallada tuura iyo xitaa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo weerarro qorsheysan fuliyay.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in ku dhawaad dhammaan ciidamada Mareykanka ah ee Soomaaliya ku sugan laga soo saaro ugu dambeyn 15-ka bishan January, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee loo yaqaanno Pentagon.

Saraakiisha taliska ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in askarta ka baxeysa Soomaaliya qaarkeed la geyn doono dalalka dariska ah, si ay u fuliyaan howlgallo xuduudda looga tallaabayo.

Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay, madaxweyne Trump ayaa soo saaray amarro noocaas oo kale ah oo ciidamada Mareykanka looga soo saarayo dalalka Ciraaq iyo Afghanistan.

Muddo dheer ayuu dalbanayay in ciidamada dibadda ku maqan lagu soo celiyo waddanka, isagoo sheegay in faragalinta ay ku baxdo lacag aad u badan wax saameyn ballaaran ahna aysan keenin.

Tallaabada ciidamada Mareykanka looga saarayo Soomaaliya ayaa kusoo aadday xilli maalmo yar uun ay ka harsan yihiin xilliga uu madaxweyne Trump banneynayo xafiiska. Amarkaas wuxuu meesha ka saarayaa qorshihii wasiirkii difaaca Mareykanka, Mark Esper, oo shaqada laga eryay bishii November, kaas oo qabay fikir ku saabsan in milatariga Mareykanka ay sii joogaan Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in “amarka ciidamada Mareykanka looga saarayo Soomaaliya horaanta sanadka 2021-ka” uusan micnihiisa ahayn in xukuumadda Washington ay baddashay siyaasaddeedii ku wajahneyd gobolka.

“Waan sii wadi doonnaa inaan wiiqno dhaqdhaqaaqyada xagjirnimada ah ee ay wadaan kooxaha islaamiyiinta ah, kuwaasoo halis u keeni kara dalkeenna, halka aan sidoo kale xaqiijineyno inaan istiraatoojiyaddeenna sii hormarinno,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Qaraxyo iyo dilal

Khubarada qaarkood ayaa ka digay in ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay dhiirrigalin karto kooxaha xagjirka ah ee ka howlgala gobolka geeska Afrika.

Soomaaliya ayaa tobannaankii sano ee lasoo dhaafay la daalaadhaceysay xasilooni darro siyaasadeed, laakiin sanaddihii dambe ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika oo kaashanaya milatariga Mareykanka ayaa magaalada Muqdisho iyo deegaanno kale ka qabsaday kooxda al-Shabaab oo gacan saar la leh ururka Al-Qaacidda.

Kooxdan ayaa muddo ka badan 10 sano u dagaallameysay sidii ay xukunkooda ugu soo rogi lahaayeen Soomaaliya, iyagoo weerarro dad shacab ah ku dhinteen la beegsaday xarumo milatari. Sidoo kale waxay qaraxyo loo adeegsaday banbaanooyin iyo dilal qorsheysan ka fuliyeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii, saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa ku taliyay in ciidamada Mareykanka aan laga soo saarin Soomaaliya, iyagoo ku doodayay in ciidamada dowladda aysan awood u heynin la dagaallanka kooxaha jihaad doonka ah, mar haddii aysan taageero ka heleynin Mareykanka.

Ciidamada tirada yar ee Mareykanka uu ku reebi doono Soomaaliya ayuu Pentagon-ka sheegay in ay ku sugnaan doonaan magaalada Muqdisho.

Madaxweyneyaasha Mareykanka ayaa walwal ka qaba in ciidamada dalkaas ay farogalin ku sameeyaan Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii 18 askari oo Mareykan ah lagu dilay dagaal ay Muqdisho kula galeen maleyshiyaad Soomaali ah sanadkii 1993-kii. Dagaalkaas ayaa laga sameeyay filim lagu magacaabo Black Hawk Down.

Hase yeeshee, inkastoo madaxweyne Donald Trump uu ololihiisii doorashada ee 2016-kii ku galay in uu soo afjari doono “dagaallada aan dhammaadka lahayn” ee uu ku jiro Mareykanka, haddana wuxuu ballaariyay howlgallada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasoo u badan duqeymo xagga cirka ah.

Bishii November, saraakiil ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afghanistan iyo Ciraaq tiro kale laga sii dhimi doono.

Kuwa ku sugan Afghanistan ayaa laga jari doonaa qiyaastii 5,000 inta lagu guda jiro bishan January, sida ay saraakiishu sheegeen.

Ciidamada Mareykanka ee jooga dalka Ciraaq ayaa sidoo kale laga dhimi doonaa qiyaastii 3,000 oo askari.

 

Xigasho: BBC Somali.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version