fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararka“Diiwaangelintu waxay ku fulaysaa isku tashiga dhaqaalaha Somaliland oo aanay”

“Diiwaangelintu waxay ku fulaysaa isku tashiga dhaqaalaha Somaliland oo aanay”

    

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay sida ay diiwaangelinta codbixiyeyaashu uga socoto degmo doorashooyinka goboladda Sool iyo Sanaag.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa maalintii afraad oo ah marxaladda hore  waxay ku dhamaanaysaa goboladda Sool iyo Sanaag, oo ay weheliyaan goboladda Xaysimo iyo Badhan.

Labadan gobol ee Sool iyo Sanaag ayaa noqonaya labadii gobol  ee ugu danbeeyay ee ay ka qabsoonto diiwaangelinta codbixiyeyaashu, iyadoo hore uga soo qabsoontay goboladda Maroodijeex, Awdal, Saaxil iyo Toghdeer.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu sheegay in hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay si wanaagsan uga socoto goboladda Sool iyo Sanaag, isla markaana ay dadweynuhu si fiican oo hab-sami leh ay isku diiwaangelinayaan.
Maxamed Kaahin Axmed, waxa kaloo uu sheegay in diwaangelintaasi ay ka qayb qaadanayaan masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada, masuuliyiinta goboladda iyo degmooyinka iyo ciidamadda milateriga iyo booliska.

Waxaanu uga mahad celiyay masuuliyiintaasi kala duwan sida xil-kasnimadda leh ee ay uga shaqeeyeen hirgelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Geesta kale wasiirka ayaa u mahad celiyay madax dhaqameedka, odayaasha iyo waxgaradka deegaamadda ay diiwaangelintu ka socoto oo uu tilmaamay in ay si masuuliyad iyo xil-kasnimo leh uga qayb qaateen hawshaasi.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu sheegay in kharashka lacageed ee  ku baxaya hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay bixinayso xukuumadda Somaliland.

DAAWO:WASIIRKA OO ARRIMAHAA KA HADLAYA:

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir