Sunday, March 26, 2023
HomeWararkaWafti Wasiiro Ah oo Ka Socda DDS oo Hargeysa Kula Kulmay Wasiiro...

Wafti Wasiiro Ah oo Ka Socda DDS oo Hargeysa Kula Kulmay Wasiiro iyo Ganacsato

    

Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu hogaaminayay wasiirka Maalgashiga ayaa kulan la qaatay  masuuliyiinta xukuumadda iyo Ganacsatada reer Somaliland.

Kulankaas oo ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa ujeedadiisu ahayd sidii labada dawladood isaga kaashan lahaayeen arrimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga labada deegaan.

Waxana kasoo qayb galay kulankaasi dhanka Somaliland Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, Wasiirka Maalgashiga Maayir ku xigeenka caasimadda iyo qaar ka mida Ganacstada waaweyn ee Somaliland. Dhanka dawlad deegaan kana waxaa kamid ahaa ahaa masuuliyiinta ka socotay Wasiirka Maalgashiga, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, Wasiir ku xigeenka warfaafinta, Guddoomiyaha rugta ganacsiga dawlad deegaanka, iyo Meeyarka degmada Wajaale ee dhanka Itoobiya.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid ayaa sheegay in masuuliyiintu ay ka wada hadleen danaha labada dal, waxa uu sheegay inay masuuliyiinta dawlad deegaanku u yimaadeen inay Itoobiya ku marti qaadaan Ganacsatada  reer Somaliland  iyadoo arrintaasi ay ka aqbaleen. Islamarkaa lays waydaarsan doono Maalgashiga labada dhinac.

Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad ayaa soo dhaweeyay wasiirada dawlad deegaanka waxanu uga mahad celiyay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, Wasiir Cawad waxa uu sheegay in Ganacstada Somaliland ay ku dhiiri galinayaan dhanka Maalgashiga, madaama  dawlad deegaanka Itoobiya iyo Somaliland ay ka dhexeeyaan wax badani.

Cabdisalaan Yuusuf Wasiirka Maalgashiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhinaciisa sheegay in socdaalkoodu ku wajahnaa sidii Ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ay u maalgashan lahaayeen dawlad deegaanka, waxaanu  sheegay inay shir dambe ku qaban doonaan magaalada Jigjiga dabayaaqada bishan January iyadoo ay ganacsatada Somaliland usoo bandhigi doonaan fursadaha Maalgashi ee ka banaan dawlad deegaanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)