fbpx
Sunday, December 3, 2023
HomeWararkaGuddiga Doorashooyinka Somaliland oo Madaxweynaha U Gudbinaya Xilliga Ay U Muddeeyeen Qabashada...

Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Madaxweynaha U Gudbinaya Xilliga Ay U Muddeeyeen Qabashada Doorashooyinka Wakiillada & Deegaannada

    

Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Maadaxweyne Muuse Biixi u gudbinaya Qoraal ay ku caddahay xilliga ay u qorsheeyeen inay qabtaan doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee isku sidkan.

Ma jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Guddiga doorashada, balse Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in komiishanku markay soo dhameeyaan Diwaangelinta cod-bixiyeyaasha ee Gobollada Sool iyo Sanaag Toddobaadkan ay Madaxweynaha u gudbinayaan Ajandahooda qabashada iyo xilliga ay u muddeeyeen inay qabtaan doorashada isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada Somaliland, si markaasi ka dib uu Madaxweynuhu Wareegto ugu soo saaro.

Heshiiskii laga gaadhay khilaafkii qabashada Doorashada ee sannadkii hore dabayaaqadiisii ay wada gaadheen Xisbiyada Somaliland, ayaa waxa ku xusnaa in Doorashada isku sidkan la qabanayo bisha 5-aad ee sannadka 2021-ka, laakiin waxa loo baahan yahay in komiishanku isagu muddeeyo xilliga uu doorashada ku qaban karo, haddii waafaqayo xilliga Xisbiyadu ku heshiiyeen iyo haddii kaleba, taasi oo marka dambana Madaxweynuhu uu Wareegto ku ansixinayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)