Taliye Ka Tirsan Ciidanka
Taliska ciidanka Dabdamiska Somaliland, ayaa war ka soo saaray wararka sheegay in Taliye ku xigeenkii ciidanka Dabdamisku uu tagay magaalada Muqdisho.
War-murtiyeed ka soo baxay Ciidanka Dabdamiska Somliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Hargeisapress, ayaa lagu sheegay in Taliye ku xigeenku ka hor intii aanu Muqdisho ka degin shaqada laga Ruqseyay, waxaaan ay intaas ku dareen in uu ku fashilmay arrimo dhowr ah oo ka mid ah shaqada Ciidanka Dabdamiska Somaliland.
“Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland wuxuu halkan kaga jawaabayaa hadalo iyo qoraalo ay baahinayeen qaar ka mida warbaahinta Somaliland, kaas oo ku saabsanaa in Cabdixamiid Faarax Iidle, oo ka tirsan ciidanka Dab-demiska Somaliland uu tagay magaalada Muqdisho.
Hadaba Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan ka caddaynayaa in Cabdixamiid Faarax Iidle si toosa looga ruqseeyay ciidanka muddo hore”.
Hoos ka akhriso War-murtiyeedka