fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaCali Gurey oo Xisbiyada Mucaaradka Ku Eedeeyay Kuwo Gabay Doorkoodii Mucaardinimo Ee...

Cali Gurey oo Xisbiyada Mucaaradka Ku Eedeeyay Kuwo Gabay Doorkoodii Mucaardinimo Ee Toosinta Xukuumada iyo Xisbigeeda

    

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf oo loo garan ogyahay (Cali Gurey) kana mid ahaa xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, Balse in mudo ah si weyn u dhaliila, ayaa waxaa uu dhaliilo culus u jeediyay xisbiyada mucaaridka oo uu ku eedeeyay kuwo gabi ahaanba gabay doorkoodii mucaardinimo.

Cali Gurey waxaa uu sheegay in xisbiyadii mucaardika ahaa ee Somaliland ee Ucid iyo Waddani ay mudooyinkii ugu dambeeyay noqdeen qaar gabay kaalintoodii mucaaridnimo ee dalka, oo u xuubsiibtay xisbiyo muxaafid, kuwaas oo la talo ah ayuu yidhi xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

“Wax mucaardi la yidhaa ma jiro, iyagoo yawda haya ayuu maalin Madaxweynuhu yidhi “Waxaan furayaa ururadii” mana qabin anigu inuu furayaba, waayo kiisa ayaan la hubinba inuu soo baxayo iyo in kale, maalintaas siday kiisha u galeen, kaalintaa mucaaradka xisbiyadu way banaanaatay.”

Waxaa kale oo uu sheegay in hada xisbiga ka hadla xaalada dalka ee badheedha uu heli lahaa taageerada bulshada Somaliland oo dhan, balse ay baqayaan labada xisbi ee Ucid iyo Waddani inay ka badheedhaan mucaardinimada magaceeda ay sitaan.

“Xisbiga maanta badheedhaa waxaan hubaa inuu helayo taageerada ugu badan Somaliland, laakiin taa lagu heli mayo xisbi muxaafid ah ayaa muxaafid u noqonayaa oo arimaha waa weyn ee dalka samaynaya iyo waxaa shacbigu tirsanayo oo waxba kama ogin wixii doonayaa haku gaadho.”

Geesta kale, Cali Gurey ayaa sheegay in xisbiyada Faysal iyo Cirro ay yihiin adeegayaal Madaxweynaha ula sii gogol xaadhaya sidii dib loogu dhigi lahaa doorashada Madaxtooyada Somaliland oo mudaynsan inay dalka ka qabsoonto sanadka 2020-ka.

“Faysal waa kaligii ee Waddani 41% ayuu helay kama sii shaqaynayaan inay doorashadu dhacdo, waxaanay kasii shaqaynayaan in aanay dhicin doorashadaas 2020-ka oo ay Madaxweynaha ku raacsan yihiin”. Ayuu yidhi Siyaasi Cali Gurey

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir