Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMid Kamid Ah Shirkadda Diyaaraddaha Ee Ugu Weyn Qaaradda Afrika oo Duulimaadyo...

Mid Kamid Ah Shirkadda Diyaaraddaha Ee Ugu Weyn Qaaradda Afrika oo Duulimaadyo Ka Bilaabaysa Somaliland

    

—Dhirkadda Diyaaraddaha ee Uganda Airlines ayaa sheegtay in ay duulimaadyo cusub ka bilaabi doonto wadamo ay ku jirto Somaliland, iyada oo diyaarad cusub kusoo kordhin doonta diyaaradeheeda bishan aynu ku jirno.

Diyaaradda shirkaddu ay kusoo kordhinayso diyaaradeheedii hore u shaqayn jiray ayaa nooceedu noqon doona Airbus A330, waxaanay noqon doonta diyaaraddii labaad ee Airbus ah ee ay shirkadaasi yeelato.

Shirkadda Uganda Airlines oo shaqadeeda bilawday 28 August ee sannadkii 2019-kii ayaa duulimaadyo hore ugu tegi jirtay wadamada Kenya, gaar ahaana magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi, caasimadda Tansaaniya ee Darasalaam, Kilimanjaro, caasimadda South Sudan ee Juba, Caasimadda Bujumbuura ee dalka Burundi, Dubai,London Mumbai, Goonshu iyo magaalooyin kale.

Diyaaraddan cusub ee shirkadda Uganda Airline ayaa dhowaan ka bilaabi doonta duulimaadyo sida lagu sheegay war qoraal ah oo lagu qoray warsidaha NewVision.

Wadamada ay ka bilaabayso duulimaadyada ayaa kala ah, Somaliland oo ay magaaladda Hargeysa ee caasimadda ah duulimaadyo ku iman doonto, Lusaka oo Sambia ah, Harare oo Zimbaabwi ah, Johansburg oo Koonfur Afrika ah, Jabuuti iyo Ethiopia.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version