Friday, April 19, 2024
HomeWararkaGuddoomiyaha SOLJA Oo Baaq U Diray Saxafiyiin Qaadacay Doorashadiisii

Guddoomiyaha SOLJA Oo Baaq U Diray Saxafiyiin Qaadacay Doorashadiisii

    

Guddoomiyaha cusub ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  ayaa ugu baaq u diray weriyeyaal tabasho ka muujiyay qaabkii uu u dhacay shirkii lagu doortay guddoomiyaha iyo hogaanka cusub.

Waxaanu sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka qanciyo tabashadda ay qabaan weriyeyaashaasi, isla markaana uu mid walba goobtiisa ugu tegi doono.

Saxafiyiinta qaadacay shirkii lagu doortay hogaanka cusub ee SOLJA oo ka hawl gala warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland ayaa tabashadood ku sababeeyay in shirkaasi ay af-duubatay xukuumadu.

Gaar ahaana waxay ku eedeeyeen wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, inuu gacanta kula jiray qaban qaabadii iyo doorashadii shirkii SOLJA.

Sekeriye Axmed Muxumed, oo maanta warbaahinta Hargaysa kula hadlay waxa uu Carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay sidii uu weriyeyaasha saluugsan qaabkii loo doortay uu ka qanciyo waxa ay tabanayaan.

Guddoomiyaha cusub ee SOLJA ayaa u mahad celiyay xubnihii ku doortay shirkii 31-kii bishan lagu doortay isaga iyo xubnaha guddiga fulinta ee ururkaasi.

Geesta kale Sekeriye Axmed Muxumed, waxa uu balan qaaday in mudadda saddexda sanadood ah ee uu xilka hayo inuu si cadaalad iyo dhex-dhexaad ah ugu shaqayn doono qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland iyo saxafiyiintaba.

Halkan Ka Daawo: Hadalka Guddoomiyaha SOLJA:

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version