fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaBadhasaabka Sool Oo Bulshadda U Diray Baaq Ku Aadan Diiwaangelinta

Badhasaabka Sool Oo Bulshadda U Diray Baaq Ku Aadan Diiwaangelinta

    

Guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland ayaa ugu baaqay bulshadda gobolkaasi in ay u diyaar garoobaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Iyadoo la filayo in diiwaan gelinta codbixiyeyaashu ay dhawaan ka bilaabmi doonto goboladda Sool iyo Sanaag.
C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa ku booriyay dadweynaha gobolka Sool in ay si weyn ugu diyaar garoobaan qaadashadda kaadhka codbixinta.
Taasoo uu ku tilmaamay mid fursad u ah dadweynaha in ay ku xulan doonaan cidii meteli lahayd marka la gaadho doorashooyinka.
Badhasaabka Sool waxa kaloo uu sheegay in diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay xili wanaagsan ku soo beegantay bulshadda gobolkaasi, isla markaana ay ka nasiib fiican yihiin gobolo hore looga soo qabtay diiwaangelinta oo ay abaarro ka jireen.
C/qani Maxamuud Jiidhe, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa intaasi raaciyay in diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay muhiimad weyn u leedahay jaan-goynta mustaqbalka iyo masiirka helitaanka cid ku haboon metelaadda saamigoodda ee dhinaca siyaasadda.


Geesta kale siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda Sool ayaa intii ay Somaliland jirtayba waxay ka cabanayeen tabashooyin iyo saami aan u qalmin in laga siiyo dawladda Somaliland.
Sidoo kale waxaa jirtay in degmooyin ka tirsan gobolka Sool aanay hore uga dhici jirin doorashooyinka iyo diiwaanglintuba.
Sidaas darteedna waxaa dhacday in doorashaddii goleyaaaha Wakiiladda Somaliland ee sanadkii 2005-tii in xildhibaanno ka soo jeedda gobolkaasi ay ku soo baxeen qaab aan doorasho ahayn (is-xanbaar).
Hase yeeshee, nidaamkaasi ayaa gebi ahaanba la joojiyay in lagu gallo doorashooyinka goleyaasha Wakiiladda ee soo socda.
Dariiqa keliya ee lagu soo saari karro xildhibaanadda metelaya goboladda Somaliland ayaa ah in ay ku soo bixi karaam oo keliya qof iyo cidkiisa.
Hadaba si ay taasi ugu suurto gasho bulshadda Sool ayaa badhasaabku waxa uu ku adkeeyay dadweynaha in dariiqa keliya ee ay reer Sool kaga gudbi karaan tabashadoodii ay tahay iyagoo qaata kaadhka codbixinta.


Dhinaca kale, C/qani Jiidhe, waxa uu sheegay in ka maamul ahaan iyo ka dawlad ahaanba si weyn looga shaqaynayo ilaalinta amaanka inta ay gobolkaasi ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaashu.
Waxaanu tilmaamay in qaybaha kala duwan ee ciidamadu ay heegaan buuxa ugu jiraan sugidda nabadgeliyadda dadka shacabka ee xiliga diiwaangelinta.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir