fbpx
Thursday, April 18, 2024
HomeWararkaSool: Isuduwaha Caafimaadka Oo Xadhiga Ka Jaray MCH Laga Yagoorri

Sool: Isuduwaha Caafimaadka Oo Xadhiga Ka Jaray MCH Laga Yagoorri

    

IIsuduwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Khaliif Faarax, ayaa manta xadhiga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyay deegaanka Samo-kaab ee gobolka Sool.

Mashruucaasi ayaa qayb ka ah mashaariicda horumarinta dhinaca caafimaadka ee ay xukuumadda Somaliland ka hirgelinayso deegaamadda gobolka Sool.

Deegaanka tuullo  Samo-kaab ee  MCH-kan laga hirgeliyay ayaa ka tirsan degmadda Yagoori ee gobolka Sool, halkaasoo aanay hore uga jirin wax adeegyo caafimaad ah. Kaasoo ay baahi weyn u qabeen bulshadda deegaankaasi.

MCH-kani ayaa laga maalgeliyay miisaaniyadda wasaaradda caafimaadka Somaliland waxaanu ka mid yahay balan qaadyadii uu madaxweynaha Somaliland hore ugu balan qaaday in deegaankaasi laga hirgelin doono xaruntan caafimaad.

Isuduwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Khaliif Faarax, ayaa kula dar-daarmay bulshadda deegaankaasi in ay ilaashadaan xaruntan caafimaad ee loo hirgeliyay.

Waxaanu uga mahad celiyay madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka caafimaadka oo miisaaniyadda dawladda ugu daray hirgelinta dhismaha xaruntan caafimaad.

Geesta kale odayaasha iyo waxgaradka deegaanka tuullo Samo-kaab ayaa ka mahad celiyay cid kastoo ka qayb qaadatay hirgelinta MCH-kani gaar ahaana madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dhismahani ayaa ka kooban afar qol, musqullo ama suuliyo iyo dayrkii xaruntaasi. Kaasoo ay sheegeen inuu noqonayo kii u horeeyay oo ay Somaliland ka hirgeliso deegaankaasi.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir