fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMashaariicda Horumarineed Waxqabad iyo Amni Ee Gobolka Sool Ka Hirgalay Sanadkii Tegay...

Mashaariicda Horumarineed Waxqabad iyo Amni Ee Gobolka Sool Ka Hirgalay Sanadkii Tegay Ee 2020-ka

C/qani Maxamuud Jiidhe, waa guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland bishii January ee sanadkii 2019-kii ayuu madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, u magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha gobolkaaasi.

Muddo laba sanadood ah ayuu xilka guddoomiyenimo ee gobolkaasi hayaa, xiligaasi waxaa gobolka Sool  ka jiray dhibaato amni darro, collaado beeleedyo iyo caqabado kala duwan oo ragaadiyay mashaariicdii horumarineed ee gobolkaasi laga hirgelin lahaa.

Hase yeeshee mudadda labadda sanadood ah ee uu guddoomiyaha ka yahay gobolkaasi C/qani Maxamuud Jiidhe, isbedel weyn oo dhinacyo badan leh ayaa ka hirgalay gobolkaasi.

Dhinacyadda amniga, mashaariicda horumarineed iyo heshiisiinta nabadaynta beello ay muddo sodon sanadood ku dhaw dhex taallay godob hulaaqday, ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee dhinaca nabadgeliyadda laga gaadhay gobolka Sool   sanadkii tegay ee 2020-ka.

Arrimaha nabadaynta beelaha ee gobolka Sool waxaan ka soo qaadan karnaa shirkii nabadaynta beelaha ee deegaanka Adhi-Cadeeye oo muddo dhawr bilood ah socday, kaasoo la soo gebagabeeyay dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ee December.

Waxaana shirkaasi nabadaynta Adhi-cadeeye si weyn uga shaqaysay xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay ka qayb qaadanayeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland.

Dhinaca mashaariicda haddii aynu eegno waxaa jira mashaariic fara badan oo kala duwan oo lag fuliyay gobolka Sool sanadkii dhamaaday, kuwaasoo qaarkoodna ay xukuumadda Somaliland hirgelisay halka kuwo kalena ay fuliyeen haayado caalami ah iyo kuwo maxali ah.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan ka soo qaadan karno mashaariicdii ugu waaweynaa ee sanadkii 2020-ka laga fuliyay gobolka Sool waxaa ka mida in magaaladda Laascaanood lagu daray magaalooyinka laga fulinayo mashruuca isku xidhka dawladaha hoose ee JPLG-ga.

Sidoo kale waxaa ka mid ah in gobolka Sool uu markii u horaysay yeeshay Dab-demis dhamaystiran, kaasoo ay ka hawl gelayaan shaqaalihii loo soo carbiyay hawshaasi iyo qalabkoodiiba.

Hadaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa barnaamij dheer oo lagu faaqidayo waxyaabaha horumarka ahaa ee  ka qabsoomay gobolka Sool sanadkii ina dhaafay ee 2020-ka.

Waxaana mashaariicdii gobolkaasi ka hirgalay ka warbixinaya badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe.

Halkan Ka Daawo Barnaamijkaasi:

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)