Haldoornews (Addis ababa)- Wasaarada Gaashaandhiga Dalka itoobiya ayaa markii ugu horeysay si Faahfaahsan usoo bandhigay Liiska Saraakiil ka Tirsan Xisbiga TPLF oo ay sheegtay inay ku Dileen Hawlgal ay ka Fuliyeen Gobolka Tigreega .
Warbixinta Wasaarada Gaashaandhigu Sheegtay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Kornayl Yemane kaasi oo lagu sheegay inuu Hogaaminayay Xasuuq ay wasaaradu sheegtay inuu ka dhacay Deegaanka Mai Kadra.
Wasiirkii hore ee Dawlad Goboleedka Malu ayaa isna la sheegay in lagu qabtay Hawgalka ay sida wada jirka ah ufuliyeen Ciidamada Difaaca itoobiya iyo Boliska Dawalda Federalka itoobiya.
Madaxa Hawlgalada ee Wasaarada Difaaca Dalka Itoobiya General Tesefaya oo Shir jaraa’id ku Qabtay Xafiiskiisa ayaa Sheegay Liiska Saraakiisha Tigreega ee lagu dilay hawlgalkaasi kuwaasi oo uu Sheegay markii ay isdhiibi waayeen la laayay, Liiskaasi oo ay ka dhex muuqdeen labaatan Sarkaal oo Magacyadooda lasoo Bandhigay.
Kalid Abdikarin Ali
Addis Ababa Ethopia