fbpx
Wednesday, June 7, 2023
HomeWararkaSuudan oo Dib U Qabsatay Dhammaan Dhulkii Ay Ka Haysatay Itoobiya

Suudan oo Dib U Qabsatay Dhammaan Dhulkii Ay Ka Haysatay Itoobiya

    

Suudan ayaa Khamiistii sheegtay inay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta dhammaan dhulka Suudan ee ku yaalla xuduudda, kaasi oo ay deganaayeen beeraley Ethiopian ah, kadib toddobaadyo isku dhacyo ah.

Ethiopia ayaa dhankeedana ku eedeysay deriskeeda inay ciidamo usoo dirtay dhulkan, si ay weeraro uga fuliyaan.

Xiisaddan ayaa ka dartay wixii ka dambeeyey markii dagaal uu ka qarxay gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, taasi oo horseeday in inka badan 50,000 oo qof oo Tigray ah ay u soo qaxaan Suudan.

Sabtidii, Suudan ayaa sheegtay inay qabsatay inta badan dhulkan, hase yeeshee ayna si buuxda gacanta ugu wada dhigin. Si kastaba, Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibedda Suudan, Omar Gamareldin ayaa shir jaraa’id ku sheegay Khamiistii inay hadda si buuxda u qabsadeen dhulka.

Wada-hadallo u dhaxeeyey labada dal ayaa burburay toddobaadkii tegay.

Saraakiisha Suudan ayaa sheegay in Ethiopia ayna si rasmi ah muran uga keenin dhulkan, hase yeeshee hadallada saraakiisha Addis Ababa ayaa taas burinaya.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Salaasadii, ayaa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Dina Mufti wuxuu ku sheegay in Sudan ay ciidamo usoo dirtay dhulka Ethiopia.

Hase yeeshee waxaa taas ku gacan saydhay madaxa golaha madax-banaanida Suudan Jeneral Abdelfattah al-Burhan.

“Sudan kama tallaabin kamana tallaabi doonto xuduudaha caalamiga ah, kumana xadgudbi doonto deriskeena Ethiopia,” ayuu yidhi General Abdelfattah al-Burhan oo Khamiistii ka hadlay munasabadda maalinta xoriyadda Suudan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)