News

Somali ka Qayb galaysa Doorashada Ausländerbeirat-ka Magaalada kassel ee Dalka Jarmalka.

Byadmin

Dec 6, 2020

Doorashada Golaha Ajaanibta ee Ausländerbeirat oo Shantii Sanno ba Mar ka dhacda Gobollada Jarmalka Qaarkood ayaa Sannadkan bisha 3-aad ka Dhacaysa Gobolka Hessen, Somalida ayaa ka mid ah Dadka ajaanibta ah ee ka Qayb gala Doorashada Golahan Matalaada ah oo La talin siiya Golayaasha Deegaanka Magaalooyinka uu ka jiro.

Somalida ku Dhaqan Magaalada Kassel ayaa Sannadkii labaad ka qayb galaya Doorashada iyaga oo sannadii 2015-kii ka helay laba xubnood ayaa la filayaa Sannadka inay Soo saari karaan Xildhibaano ka badan intii hore oo ay ku yeeshaan Golaha ajaanibta.

Somalida Isu diyaarinaya ka Qayb galka Doorashadaasi oo Shalay Gudbiyey Liisaskooda ayaa Dhamaantood ka Sharaxan Xisbiga “Zukunft List in Kassel“ Qaar ka mid ah Musharixiinta oo Warbaahinta la Hadlay Kullanka ka dib ayaa Bulshada usoo bandhigay Qaabka ay codkooda udhiiban karaan iyo Faa,iidada Somalida ugu jirta inay ka dhex muuqdaan Golaha ajaanibta ee Ausländerbeirat

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *