News

Maamulka Gabiley oo Diiday Qalab Sports oo loogu Deeqay Ciyaartoyga Gobolka

Byadmin

Oct 23, 2020

Gabiley (Haldoornews)-Deeq Agabka Ciyaaraha ah oo loogu Talagalay Kooxaha Gobolka Gabiley umatalaya Ciyaaraha Gobollada Somaliland ayaa lasoo celiyey iyada oo lagu Sabeeyey sida uu Haldoornews u Xaqiijiyay Qof goob jooga ahi in Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye oo Qalabka iyada ugu Deeqday Dhalinyarada ay ka mid tahay Xisbiga Kulmiye isla markaana ay Xil ka hayso Laanta Xisbiga ee Dalka Holland.
Waxa kale oo la ii Xaqiijiyey Maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi uu Diiday Qalabkan isaga oo Sheegay in marka Ciyaaraha Gobolladu ay Dhamaadaan uu kala Wareegi karo balse hadda aanay Macquul ahayn isaga oo ku Sababeeyey Arimo Siyaasadeed.
Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye oo ka mid ah Qurbajoogta Reer Gabiley ee Dalka Holland isla markaana Qayb laxaadle ka Qaadatay Arimaha Bulshada Gobolka, Kaalmooyin kala Duwana ka Gaystay Degmooyinka Gobolka iyada oo Dhawr jeer Deeqo kala Duwan soo Gaadhsiiyey Gabiley ayaa Waxaanay Filaynin kala kulantay maamulka Dawlada hoose ee Gabiley.

Marwo Haliimo ayaa u Sharaxan Golaha Wakiilada Somaliland  Doorashooyinka la filay inay Dalka ka Qabsoomaan 2021, waxaanay Agabkii ay ugu Talagashay Ciyaartoyga kula noqotay magaalada hargeisa .
Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar oo maanta Warbaahinta la hadlayay ayaa Qurbajoogta Gobolka ka Codsaday inay Ciyaartoyga Gobolka Dhiiri galinayaan balse hadalka Maayarka iyo Ficilka uu Sameeyey ayaa ah laba iska hor imanaya.
Ciyaartoyga Gobolka ayaa aad uga Xumaaday Qalabka la Celiyey iyo Dhiiri galinta uu Maayarku ka hor istaagay Shaqsi Muwaadin ah oo Dadkiisa jecel inuu wax u qabto.
Kala soco Wixii ka soo kordha Arintaasi Haldoornews.com

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *