News

4 Qof Ayaa Laga Soo Qabtay Gebiley, Laguna Xidhay Hargeysa, Waxa Laga Baqayaa In La Gacan Geliyo

Byadmin

Oct 20, 2020

Sida ay eheladooda oo meelo kala geddisan ku sugani caawa ii xaqiijiyeen; Hooyo Maryan Muxumed, laba hablood oo ay dhashay oo midkood ummul u tahay iyo oday adeer u ah ubadkeeda ayaa maanta duhurkii laga soo qaaday Gebiley, loona dhaadhiciyay Hargeysa.
Waxa ay caawa ku kala xidhan yihiin Saldhigga Koodbuur iyo Xarunta Dembi-baadhista Hargeysa. Qaab foolxun oo argaggax leh ayaa loo soo qaaday sida warku igu soo gaadhayo.
Waxa laga dayrinayaa xaaladda caafimaad ee Hooyo Maryan Muxumed oo la nool xanuunnada macaanka iyo dhiig-karka oo aan helin daryeel caafimaad tan iyo markii xorriyadda laga qaaday.
Xadhiggan ayaa loo aanaynayaa in uu yahay codsi ka yimi dawladda Jabuuti, oo baadigoobaysa askari ka tirsanaa ciidankeeda oo ka goostay muddo lagu qiyaasayo sannad ka hor, isla markaasna ay hooyo u tahay haweenayda xabsiga la dhigay.
Eheladu waxa ay qabaan walaac xooggan oo ku aaddan in la gacangeliyo hooyadan reer Somaliland, ee loo haysto dembiga aanay gelin iyo wiilkeeda askariga ahaa ee lafihiisa la baxsaday. Wixii war iyo wacaal ah ee ka soo kordha waa inoo berri haddii Alle idmo.

Xigasho: Siciid Maxamuud Gahayr

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *