Haldoornews.com
Dhalinyarada Gobolka Togdheer ee Ku Dhaqan Dalka Jarmalka Oo Xaflad Soo Dhawayn iyo Taageero Ugu Sameeyey Murashax Xamse Cabdi Ibraahin.
October 19, 2020 - Written by admin


Dhalinyarada Gobolka Togdheer ee Ku Dhaqan Dalka jarmalka ayaa Munaasabad Soo Dhawayn iyo Taageero ah usameeyey Xamse Cabdi Ibraahin oo ah Musharax u tartamaya Doorahada Golaha Deegaanka isla markaana ka Sharaxan Gobolka Togdheer.
Munaasabadan oo lagu Qabtay Magaalada Darmstadt ayaa Kulmisay Badiba Dhalinyarada Gobolka Togdheer ee ku Sugan Dalka jarmalka iyo Xubno kale oo Reer Somaliland oo Madasha ka soo qayb galay oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee dalka jarmalka Mudane C/salaam Sh.maxamed
Masuuliyiinta iyo Dhalinyarada Halkaasi ka hadashay ayaa Dhiiri galiyey Musharaxa isla markaana ka Hadlay Baahiyaha Aasaasiga ee Horyaala Golayaasha Deegaanka Dalka iyo Doorka Dhalinyaradu ku yeelan karto Isbadal Horumarineed oo ka hir gala Dalkeena.

 

COMMENTS
Arimaha Diinta