|
|||||
Haldoornews.com
Tirada Murashaxiinta Iska Bixiyay Lacagtii Shuruuda Looga Dhigay Tartanka Xisbiga Kulmiye
September 2, 2020 - Written by adminSiyaasiyiinta uu damacu ka hayo Hoggaanka Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa la sheegay inay qaarkood Shubeen Lacagihii ay Guddiga qaban-qaabadu Shuruudda kaga dhigeen Ciddii tartanka ka qayb-galaysa. Wargeyska Geeska Afrika ayaa loo sheegay in siyaasiyiinta illaa hadda Lacagtaa shubay isla-markaana u diyaar-garoobay inay ka qayb-galaan Tartanka Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ay ka mid yihiin Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo u tartamaya Guddoomiye-nimada Xisbiga KULMIYE oo uu doonayo inuu sii hayo Shanta sanadood ee soo socda. Tartanka saaxadda KULMIYE ku soo biiray ee Wasiir Saajin oo ah Nin ku cusub tartanka Xisbiga KULMIYE ayaa xiiso gaar u yeelaysa Baratanka, waxaana muuqata inuu la tartamayo Madaxweyne ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadda ah Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga. Ugu dambayn, Qaderka lacageed ee Musharraxiinta laga doonayo ayaa dhan min 10 kun oo dollar oo Musharraxiinta Guddoomiye ku-xigeennada ah iyo min 15 kun dollar oo laga doonayo Musharraxiinta Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE. Geeska afrika
COMMENTS
|
Wararka
|