News

Gabadh Soomaali Ah Oo ku Guulaysatay Tartanka Quruxda oo Maraykanka Lagu Qabtay

Byadmin

Sep 29, 2020

Sahra Abuukar oo ah gabash Soomaali ah oo qaxooti ku ah dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay tartanka quruxda hablaha Muslimiinta ah ee Mareykanka.

Waxay sheegtay inay dooneyso inay tusaale u noqoto haweenka Muslimiinta ah.

Sahra waa naqshadeysaa dharka, Iyada ayaana tolata inta badan dharkeeda. “Marka aad maqasho cabbaayad, waxa ugu horreeya ee kugu soo dhacaya waa madow. Waan jeclahay madowga, waa kalar dookheyga ah. Balse marka ay cabbaayad noqoto, waxaan jeclahay kalarrada muuqda.” Ayay tidhi.

Gabadhan oo 23 sano jir ah ayaa ku nooleyd Turkiga muddo toddoba sano ah kahor inta aanay nu wareegin Mareykanka, sanadkii 2014.

Tartankan oo sanadkii afaraad la qabanayo ayaa waxaa sanadkan ku tartamay 15 hablood oo da`doodu u dhaxeyso 15 ilaa 30.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *