Aragtida Dadweynaha

Maayarka Gabiley oo 14 Jir Facebook Ku Dhaliilay Xabsiga u Taxaabay iyo Ceebta ka Taagan Timir aan Caqli lagu Beerin oo Qalashay.

Byadmin

Sep 4, 2020


Buuni Cabdi Abiib waa Wiil Dhalinyaro ah oo Caan ka ah Barta Bulshadu ku Kullanto ee Facebook Waana Wiil yar oo Fikrado Caafimaad Qaba la Wadaaga Bulshada ku xidhan isla markaa u Dooda Dadka Dhibaataysan.

Laba habeen ayuu Xabsiga ugu jiraa Qoraal iyo Sawir uu Facebook-ga kula Wadaagay Bulshada taasi oo uu kaga hadlay Timir lagu Beeray Jidadka Gabiley oo Qalashay, waxaanay Arintaasi Gubtay isla markaana Xadhig miciinsaday Maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi oo isaga oo Guri jiingad ah ku jira Maayar noqday imikana Fooqa magaalada u dheer Dhistay isla markaa jid laami ah oo Gaar ah hor marsaday.
Maayarka Gabiley oo isbadal Muuqda oo Ganacsi ku Talaabsaday intii uu Xilka hayay isla markaana Ka Xoolaystay Hantida Umadda ayaa Xabsiga dhiga shaqsi kasta oo Dhaliila Waxqabadka Dawlada hoose ee Gabiley iyo Hantida Gaar ah ee Samaystay Xilka Qaranka.
Dhinaca kale Timirta laga Beeray Jidadka Gabiley ayaa noqotay mid fashilanta isla markaana aan ka Bixi Karin Deegaanka oo qaboobe ah iyada oo aan markii hore loo meel dayin Beeristeeda oo laga soo min guuriyay Maayarka Berbera oo Deegaankiisa hore uga Beeray.

Waxaanu ugu Baaqaynaa Badhasaabka Gabiley iyo Wasiirka Arimaha Gudaha in Wax laga Qabto ku Takri Falka Awoodaha maayarada Dalka ee Shacabka sida Xoolaha u Xidhanaya.

Aadan Yuusuf
Rotterdam, Holland

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *