Haldoornews.com
“Waxa la i weydiiiyaa Ma Kuu Yeedhay Dawladu, Laakiin Madaxweynaha Waxaan Moodi Jiray..”Huda Cali Banfas
September 2, 2020 - Written by admin

Dadka badankiisu waxay i soo weydiiyaan ina miyay dawladu kuu yeedhay oo lagugu maamuusay howsha aad qaranka u qabatay iyo buuga aynu siino adduunyada kale? waxaan ku jawaabaa dawladdii dumarkooda dedaalkooda ixtiraami lahaa wali may dhalan! Aniga ayaaba dayn yar ku leh dawladii hore ee Kulmiye 200 buug oo KAYD kii hore laygaga baxsaday wali na aanay dawalada hada joogtaa i siin!
Muuse Biixi Cabdi oo maalintii uu la Mohamed Biixi Yoonis tartamayeen aan isaga ka raacay waayo Mohamed Biixi waxa uu aahaa Aabahay inaaderkii oo aan aqoon u lahayn laakin Muuse Biixi waxaan aan u haystay inuu ahaa Aabahay saaxiibkii oo isagaan u xagliyay oo reerkaygayu igu qoonsadeen!. Maalintii tartanka doorashada la galayay waxaan si adag u taageeray Muuse Biixi iyadoo reer abtigey oo aan aad u jecelahay tartamayaan balse sababta aan u raacay Muuse Biixi aanay ahayn hayb reernimo ee ay ahayd ixtiraam aan u hayay wax aan moodi jirey saaxiibtimino Aabay Cali BANFAS ka dhaxaysay!. maalintii doorashada bishii November 17 ,2017 aniga oo ka baxay Hooyaday oo ladan ayaan tagay kuyuugii cod bixinta una codeeyay shakhsigii aan moodayay inaan aqoonta u leeyahay! gaadhi aanu wadanay ayaanu ku caawinay dhowr qof oo iyaguna Ina Biixi u soo codaynaayay aniga oo soo noqodkaygii aan guriga u sii socday waxaan ku war helay geerida qofkii noloshayda ugu qaalisanaa Hooyaday Cibaado Mohamed! geerida Hooyo waxay igu noqotay dhulgariirkii noloshayda ugu weynaa!. balse qadarka Ilaahay cid dhaafaysaa ma jirto. maalin ayaan fursad u helay inaan la Kulmo Madaxweyne Muuse Biixi dhamaadkii bishii 4aad ee 2019 kulankaasi waxa uu ahaa mid aanan ugu tagin mansab iyo maaliyad toona balse aan kala hadlaynay arrin ku saabsan mayeedhaanka aan gacanta ku hayno! maalinkaas filashaydii waxa wax weyn u dhintay sida uu noo qaabilay oo aad u hoosaysay!( aan ixtiraam bini’aadanimo ku jirin ) waaba mid garashee!. laga soo bilaabo maalintaa ilaa maalinkan maanta ah tiro ba ilaa tobaneeyo qof oo xafiiskiisa iyo qoyskiisu ku jiro baan fariin u farayay ku saabsan mayeedhaanka aan noloshooda xalka ku haboon u raadinayno!. miyaad filaysaa in Ina Cali BANFAS loo beryo Muuse si uu ula kulmo isaga oo ciduu doono wakhtiguu doono la kulma!!!. dabcan waxa uu og yahay sababta aanuu iila kulmayn! Mudane Madaxweyne Mayeedhaanka laguma aargoosto !!! Mudane Madaxweyne waxaad tahay hogaamiye go’aan adag leh mar haddii aanuu go’aankaagu xataa wax la xeeriyaa ku jirin !.
Waxa Qortay Nuura Huda Cali Banfas

COMMENTS
Arimaha Diinta