Haldoornews.com
Wiil Somali ah oo Mindi lagu Diley Magaalada Marbrugee Dalka Jarmalka
August 31, 2020 - Written by admin

Alle ha unaxariistee Waxaa Gacan ka Xaqdarani ay ku Dishay Magaalada Marbrug ee Dalka jarmalka Marxuum Abdifatah Yuusuf Ahmed oo uu Mindi ku Dilay Saaxiibkii Maxamed siciid baadari oo uu Gurigiisa la joogay, labada Wiil ayaa labadu ka Soo jeeda Somaliland.

Falkan oo Dhacay Duhirnimadii Maalinta Jimce ayaa shalay Boolisku Helay Maydka Marxuumka kaasi oo laga helay Guriga Dilaaga sida uu ii Xaqiijiyey Gudoomiyaha Jaalliyada Somalida Marburg-Biedenkopf Samiir Hassan Hussein.

Gudoomiye Samiir waxa uu sheegay in labada Wiil ay saaxiib ahaayeen balse Sida wararku sheegayaan ay Xurgufi ka dhaxaysay sidoo kale Waxa uu intaasi ku Daray in Markii la Dilay Marxuum Abdifatah maydkiisa lagu Duubay Buste iyo Roog si aan dhiigiisu dibada ugu bixin, Gurigana lagu sii Xidhay, Ka dib shalay axadii uu Gacan ku dhiiglihu Booliska u tagay una sheegay in uu Dil gaystay.

Ma ah markii ugu horeysay ee Dhalinyarada Somalida jarmalku sidan oo kale mindiyo isugu dilaan iyada oo ay lagu qiyaasay Dhaliyarada mindiyaha isku dilay Shantii Sanno ee u Danbeeyey in ka badan 20 Ruux.

COMMENTS
Arimaha Diinta